Somaliland
Somaliland ayaa ku amartay dhammaan dadka ajaanibta ah ee sharci la’aan ku jooga deegaanadeeda in ay muddo saddex (3) maalmood gudahood ah oo ka bilaabmaysa 30-ka Abriil 2025 uga baxaan deegaannadooda.
Go’aankan ayaa lagu shaaciyay intii uu socday shirkii Golaha Wasiirrada ee 30-ka Abriil, kaas oo uu shir guddoomiyay Madaxweynaha Soomaalilaan, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro).
Jabuuti
Munaasabad si heer sare ah loo agaasimay ayaa shalay lagu qabtay magaalada Jabuuti, taasoo lagu xusay dhameystirka tababarka ee dufcaddii 22-aad ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, kuwaasoo tababar gaar ah ku qaatay dalka Jabuuti.
Xafladdan ayaa muujisay muhiimadda ay leedahay iskaashiga amniga ee gobolka iyo taageerada joogtada ah ee beesha caalamku siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhismaha hay’adaha ammaanka.
Jigjiga
Magaalada Jigjiga ayaa Shalay martigelisay shir lagu falanqeeyay suuq-geynta xoolaha, iyadoo kulankaasi lagu eegayay fursadaha kobaca dhaqaalaha xoolaha, caqabadaha jira, iyo xoojinta iskaashiga bahwadaagta horumarinta xoolaha.
Muqdisho
Qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareeyay dhacdo rabshado watay oo ka dhacday gudaha Golaha Shacabka, iyagoo ku eedeeyay qaar ka mid ah wasiirrada xukuumadda federaalka iyo ciidamada Booliiska ee ilaalada Baarlamaanka inay si toos ah u weerareen xildhibaanno iyo saxafiyiin madax-bannaan.