Saturday, July 27, 2024

Tanzania iyo Itoobiya oo heshiisyo ganacsi kala saxiixday

Dar Salaam (Dawan)- Tanzania iyo Itoobiya ayaa toddobaadkaan kala saxiixday heshiisyo laba geesood ah oo quseeya dhinacayda Beeraha, Ganacsiga, Tamarta, Gaadiidka cirka iyo isweydaarsiga Teknoolojiyadda duulista.

Madaxweynaha Tanzania, Marwo Samia Suluhu Hassan iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed oo booqasho ku jooga dalka Tanzania , ayaa Jimcihii goob joog ka ahaa saxiixa heshiisyo lagu xoojinayo ganacsiga labada dal.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga Bariga Afrika ee Tanzania ayaa sheegtay in labada hoggaamiye ay ku heshiiyeen in la sii xoojiyo ganacsiga iyo xiriirka laba geesoodka ah ee abuuraya fursado cusub oo ganacsi oo u dhexeeya Tanzania oo ay ku nool yihiin in ka badan 61 milyan iyo Itoobiya oo ay ku nool yihiin dad ka badan 100 milyan oo qof.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Tanzania, January Makamba ayaa sheegay in heshiiska is-afgaradku uu furi doono suuqyo cusub, maalgashi iyo ka ganacsiyada muhiimka ah, gaar ahaan bunka iyo shaaha.

“Itoobiya waxay caan ku tahay wax soo saarka coffee-ga iyo shaaha, Tansaaniya shaaha iyo coffee-ga si isku mid ah ayaa loo jecel yahay, sidaas darteed, waxaa qayb ka ah heshiisyada sidii suuqyada Tanzania loo soo gaarsiin lahaa wax soo saarka Itoobiya” ayuu yiri Makamba.

Tansaaniya iyo Itoobiya ayaa iska kaashada dhinaca duulimaadyada, iyada 75 Duuliye iyo 25 Injineer oo u dhashay Tanzania ayaa tababar heerar kala duwan ah ku qaateen dalka Itoobiya intii u dhaxeysay 2016 iyo 2023, halka Ethiopian Airlines iyo Air Tanzania ay ka shaqeeyaan howlo ganacsi oo wadajir ah.

Labada dal ayaa ku heshiiyey in ay iska kaashadaan korontadda iyadoo la adeegsanayo isweydaarsiga Tignoolajiyada, waxeyna Dowladda Tanzania ka dalbtay Itoobiya khubrao dhanka korontada ah si ay ugala taliyaan sidii ay u samayn lahayd xarumo koronto laga dhaliyo iyo sidoo kale farsamada waraabka si ay sare ugu qaaddo wax soo saarka Korontada, dalagga iyo wax soo saarka xoolaha oo tayo leh.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here