Saturday, March 15, 2025

Somaliland oo qaramaysay qaar ka mid ah ciidamada Ceerigaabo

Ceerigaabo, Somaliland – Somaliland ayaa tallaabo horay u qaaday oo la xiriirta dhismaha iyo xoojinta ciidankeeda, iyada oo si rasmi ah ugu dhawaaqday qaramaynta guutadii ugu horraysay ee ciidamada hubeysan ee magaalada Ceerigaabo.

Munaasabaddan, oo ka dhacday 1-dii March 2025, waxaa goobjoog ka ahaa Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, Maxamed Cali Aw Cabdi, iyo wafdi sare oo uu hoggaaminayay. Waxaa lagu shaaciyay in ciidamada la qaramaynayo ay si rasmi ah uga mid noqdeen Ciidanka Somaliland.

Tallaabo Lagu Xasilinayo Ceerigaabo

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland iyo wafdigiisa, oo maalmahan booqasho ku joogay gobolka Sanaag, ayaa sheegay in ujeeddada safarkooda ay tahay nabadeynta gobolka iyo qaramaynta ciidamada madaniga ah.

“Maadaama maanta la qarameeyey qaybtii ugu horraysay ee ciidamada madaniga ah, gogoshii nabadgelyadana waanu dhignay. Ceerigaabo cidina cid kama xigto, waa la wada leeyahay, waana lagu wada noolaa,” ayuu yiri Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, Maxamed Cali Aw Cabdi.

Wuxuu intaas ku daray in ciidamada dhiman si dhakhso ah loo qaramayn doono, isla markaana waxgaradka iyo odayaasha gobolka Sanaag looga baahan yahay inay dadajiyaan habsami u socodka qaramaynta ciidamada.

Xoojinta Amniga Gobolka Sanaag

Go’aankan qaramaynta ciidamada ayaa daba socda wareegto hore oo Somaliland ay soo saartay bishii hore, taas oo mamnuucaysay in hub lagu dhex sido magaalada Ceerigaabo.

Somaliland waxay sheegtay in tallaabadani ay qayb ka tahay dadaallada lagu sugayo amniga Ceerigaabo iyo guud ahaan gobolka Sanaag, kadib markii magaalada ay dhowr jeer ka dhaceen dagaallo beeleed oo sababay khasaare iyo barakac baahsan.

Madaxweyne ku-xigeenku wuxuu hoosta ka xariiqay in gobolka Sanaag uu muhiim u yahay Somaliland, wuxuuna ugu baaqay bulshada iyo waxgaradka Somaliland inay ka wada shaqeeyaan nabadda iyo horumarka gobolka.

Ceerigaabo: Bartamaha Xiisadda Siyaasadeed

Magaalada Ceerigaabo ayaa muddooyinkii dambe xarun u noqotay colaado siyaasadeed iyo kuwo beeleed, iyadoo ay kala hadlayaan:

  • Somaliland, oo sheegtay in gobolka uu hoos yimaado maamulka Hargeysa
  • Khaatumo, oo sheegtay in ay leedahay xaqa maamulka deegaanka
  • Puntland, oo iyana sheegtay in Sanaag uu qayb ka yahay deegaannadeeda

Si kastaba ha ahaatee, qaramaynta ciidamadan cusub ee hubeysan waxaa loo arkaa tallaabo ay Somaliland ugu gogol-xaarayso xasillinta gobolka sid aay qabto.

Maxaa La Filayaa Mustaqbalka?

Somaliland waxay sheegtay inay sii wadi doonto qaramaynta ciidamada madaniga ah iyo xoojinta nabadda gobolka Sanaag.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here