Saturday, September 13, 2025
Array

Somaliland oo in ka badan $6 Milyan ku maalgelineysa Mashruuca Horumarinta Qoolcaday.

Salaxley (Dawan) – Madaxweynaha Somaliland, Cbdirahmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro), ayaa shaaciyay tallaabo lagu wajahayo abaaraha, isagoo ku dhawaaqay in ka badan 6 milyan oo doolar lagu maalgelineyo Mashruuca Horumarinta Banka Qoolcaday ee degmada Salaxley.

Mashruucan, oo loogu talagalay in lagu horumariyo wax soo saarka calafka xoolaha iyo xarun cilmi-baaris iyo tababarada xanaanada xoolaha, ayaa lagu wadaa inuu si weyn u hagaajiyo nolosha bulshada deegaanka.

Madaxweynaha oo ka hadlayay xafladda daah-furka, ayaa sheegay in mashruucan uu yahay midki taariikhda ugu waynaa ee degmadan laga fuliyo ayna ka faa’iideyn doona dhammaan bulshada Salaxley. “Mashruucani waa kii ugu waynaa ee taariikhda laga keeno Salaxley.ayuu yiri Cirro, madaxweynaha Somaliland

Mashruucu wuxuu sidoo kale yeelan doonaa xarun cilmi-baaris iyo tababarada xanaanada xoolaha, waxaana laga hirgelin doonaa adeegyo caafimaadka xoolaha ah iyo biyo. Iyada oo ay shaqa ka heli doonaan in ka badan 500 oo qof.

Mashruuca ayaa sidoo kale ka qeyb qaadan doona wax soo saarka calafka xoolaha iyo bixinta adeegyo caafimaad oo dhameystiran, iyadoo la dhisi doono xarumo lagu kaydiyo biyaha iyo calafka xoolaha oo loogu talagalay xoolaha iyo bulshada deegaanka.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa caddeeyay in aanay jirin cid gaar ah oo loogu xirayo ama la siinayo mashruuca, iyadoo bulshada deegaanka iyo dadka reer Somaliland ee soo guura xilliyada abaaraha ay ka faa’iideysan doonaan.

Iyada oo ay badi dadka beeraleyda iyo xoola dhaqatada ay nugul yihiin saameynta abaaraha, Mashruuca Seeraha Banka Qoolcaday ayaa laga filayaa inuu yeesho saameyn ballaaran oo dhaqaale iyo deegaan ah, iyadoo sidoo kale uu kaalin weyn ka qaadan doono ka hortagga abaaraha iyo taageeridda xoola dhaqatada.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here