Wednesday, September 17, 2025

Somaliland oo ku dhawaaqday inay gashay heshiis $70 milyan ah

Dubai, 17 Sebtembar 2025 – Wasaaradda Duulista Hawada iyo Horumarinta Garoomada Somaliland ayaa sheegtay inay la saxeexatay heshiis $70 milyan ah shirkad maalgashi oo ka dhisan Imaaraadka Carabta, taas oo lagu magacaabo Shirkadda Maalgashiga Caalamiga ah ee Maharat, si dib loogu dhiso loona casriyeeyo Garoonka Cigaal ee Hargeysa.

Sida ay shaacisay wasaaraddu, heshiiska ayaa lagu saxeexay Talaadadii Xarunta Dhaqaalaha Caalamiga ah ee Dubai (DIFC), waxaana saxiixay Wasiirka Wasaaradda, Fuaad Axmed Nuux, oo ku matalaya Somaliland, halka wasirro kale ay goob joog ka ahaayeen.

Wasaaraddu waxay sheegtay in mashruucan uu yahay maalgelintii ugu weynayd ee dibadeed ee kaabayaasha Somaliland, kadib midka DP World. Wasaaradda ayaa qoraalkeeda ku tiri:
“Mashruucan ayaa noqonaya maalgalintii ugu balaadhnayd ee lagu sameeyo kaabayaasha Madaaradda Jamhuuriyadda Somaliland iyo mashruuca labaad ee ugu wayn maalgalin dibadeed DP World kadib.”

Sida ay sheegtay wasaaraddu, shaqada dhismaha waxaa la bilaabi doonaa lix bilood gudahood, iyadoo mashruucu diiradda saarayo kordhinta awoodda rakaabka, casriyeynta adeegyada, iyo la jaanqaadidda heerarka caalamiga ah ee diyaaradaha.

Somaliland, oo ka go’day Soomaaliya 1991-kii balse aan si caalami ah loo aqoonsan, ayaa weli raadinaysa maalgelin shisheeye oo lagu horumariyo kaabayaasha muhiimka ah sida garoomada diyaaradaha iyo dekedaha.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here