Hargeysa, Somaliland – Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Ciro), ayaa ku dhawaaqay aasaaska Sanduuqa Daryeelka Agoonta,
Madaxweynaha Somaliland ooo daahfurayay maalinta iskaashiga shacabka Somaliland ayaa sheegay in tallaabadan tahay mid lagu xoojinayo mas’uuliyadda Somaliland ee daryeelka carruurta agoonta ah.
Ciro ayaa sidoo kale ku ku dhawaaqay in 10-ka May sanad kasta laga xuso doono Somaliland Maalinta Is-taakulaynta, taasoo lagu xasuusan doono muhiimadda gargaarka iyo daryeelka dadka nugul.
“waxan kalo halkan kaga dhawaqaya in qaranku carurta halkan jogta iyo kuwa iman dona uu dhamanad qadayo ,wuxu damanad qadaya qaranku noloshooda,” ayuu yiri Madaxweyne Ciro
Ugu danbeen madaxweynaha Somaliland ayaa sheegay in Somaliland ay si buuxda u garab taagan tahay mashruucan, islamarkaana ay mudnaan siin doonto sidii loo sugi lahaa nolosha, waxbarashada, iyo mustaqbalka carruurta agoonta ah ee Somaliland.
Sanduuqaan daryeelka Agoonta ayaa noqon doona mid sharci gaar ah yeelan doona, lehna maamul madax bannaan iyo guddi korjoogto ka ah sida ay sheegtay Somaliland.