Wednesday, August 6, 2025

Dowladda Federaalka oo Magacowday Guddiga Hubinta Xildhibaanada Maamulka Waqooyi Bari

MUQDISHO (Dawan) – Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa magacowday guddi cusub oo loo xilsaaray hubinta iyo ansixinta xubnaha lagu wado in ay ka mid noqdaan Baarlamaanka Maamulka la dhisayo ee Waqooyi Bari Soomaaliya.

Wareegtada, oo uu saxiixay Wasiirka Wasaaradda, Ali Yusuf Ali Hosh, taariikhduna tahay 3-dii Agoosto 2025, ayaa si rasmi ah loogu diray hoggaanka maamulka cusub, waxaana la ogeysiiyay Xafiiska Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha.

Wareegtadu waxay sheegaysaa in guddigan uu leeyahay awood buuxda oo uu ku hubinayo hannaanka xulista xildhibaanada, saxnaanta sharciyadooda, iyo in xubnaha la ansixinayo ay si dhab ah u metelaan bulshada kala duwan ee deegaanka.

“Guddigu wuxuu xaqiijin doonaa in la ilaaliyo hannaanka xulista xildhibaanada, khilaafaadkuna lagu xaliyo wada-hadal iyo isu-tanaasul, iyadoo la hubinayo in beelaha si siman loogu metelo Baarlamaanka,” ayuu yiri Wasiir Ali Hosh.

Wasaaraddu waxay sheegtay in magacaabista guddigan lagu saleeyay Qodobka 99-aad ee Dastuurka Kumeelgaarka ah ee Soomaaliya, oo siiya wasiirrada awood sharci ah oo ay ku hirgeliyaan heshiisyada siyaasadeed iyo hannaanka dhismaha dowlad-goboleedyada.
Guddigan ayaa ka kooban toddobo xubnood, waxaana xilka guddoomiyaha loo magacaabay Cabdi Nasiir Axmed Qaybdid, halka Cabdirisaaq Faarax Warsame loo magacaabay Guddoomiye Ku-xigeen. Cabdulqaadir Ibraahim Ciise ayaa noqonaya Xoghaye, waxaana la socda afar xubnood oo kala ah: Ismaaciil Sheekh Saalax Axmed, Mahdi Siciid Xasan, Suguule Cabdi Xaabsade, iyo Cabdiraxmaan Axmed Xaaji Diiriye.

Guddigan waxaa la faray inay si buuxda u hubiyaan xubnaha la magacaabay iyo hannaanka xulistooda, isla markaana ay warbixinno qoraal ah si joogto ah ugu gudbiyaan Wasaaradda. Sidoo kale, waxaa laga sugayaa inay la shaqeeyaan guddiyada farsamo ee heer Federaal, dhex-dhexaadiyaan khilaafaadka ka dhasha xulista, ka hor inta aan la ansixin, ayna xaqiijiyaan in dhammaan beelaha deegaanka si caddaalad ah loogu metelo Baarlamaanka.

Guddigan ayaa sida ku cad wareegtada, bilaabi doona shaqadooda marka la magacaabo, iyadoo howshoodu socon doonto ilaa inta uu qabsoomayo kalfadhiga koowaad ee Golaha Wakiillada cusub. Guddigu waxa uu si toos ah u hoos tagayaa Wasiirka Arrimaha Gudaha.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here