Friday, June 20, 2025
Array

Soo dhaween sare iyo kulan aan la qiyaasi Karin natiijadiisa.

Calanka Soomaaliland iyo kan mareykanka ayaa leys bar bardhigay waa soo dhaween heer sare ah oo safiirka mareykanka iyo taliyaha Africom loogu sameeyay magaalada Hargeysa.

Wafdi ay hogaaminayeen Safiirka Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Richard Riley iyo Taliyaha Guud ee Ciidamada Maraykanka ee Qaaradda Afrika Michael Langley ayaa maanta gaaray magaalada Hargeysa ee Soomaaliland, halkaas soo dhaween loogu sameeyay.

Masuuliyiintaan ayaa kulan la qaatay madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulaahi Cirro, iyaga oo ka wada hadlay Xoojinta iskaashiga amniga iyo difaaca sida lagu qoray bogga Xafiiska Afhayeenka Madaxweynaha Soomaaliland.

Kulankan ayaa muujinaya horumar kale oo ku saabsan xiriirka sii xoogeysanaya ee Somaliland iyo Mareykanka.

Bishii maarso ee sanadkaan wargeyska caalamiga ah ee Financial Times ayaa qoray in Mareykanka iyo Somaliland uu u bilowday wadahadalo toos ah, sida ay ka soo xigteen sarkaal sare oo mareykan ah, wadahadalada ayaa salka ku hayay in mareykanka ay saldhig militari ka dhistaan meel ku dhaw dekedda Berbera, halka Somaliland ay Mareykanka ka heleyso aqoonsi dhameystiran oo caalami ah.

Dhanka Dowlada Soomaaliya ayaa iyadana bishii xigtay ee abriil sheegtay in ay Mareykanka u soo bandhigeen in ay cusbooneysiiyaan heshiis hore oo difaac kaas oo la galay 1980, heshiiska ayaa dhigayay in mareykanka ay isticmaalaan dekado iyo garoomo ay ka mid tahay dekadda Berbera.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here