Saturday, September 13, 2025

Soomaaliya oo furtay xarun taliska Sahanka iyo Sirdoonka CXDS

Muqdisho, 13 Sebteembar 2025 – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Sabtidii daahfuray xarunta cusub ee Taliska Sahanka iyo Sirdoonka Ciidanka Xoogga Dalka oo laga dhex dhisay xarunta Jaalle Siyaad.

sida ay sheegtay madaxtooyada, xaruntaan lagu qalabeeyay tignoolajiyad casri ah waxayna ujeedadeedu tahay in lagu xoojiyo awoodda difaaca qaranka iyo qorsheynta istaraatiijiyadeed. “Tignoolajiyada lagu rakibay waxay si weyn uga caawin doontaa hawlgallada ciidamada iyo qorsheynta istaraatiijiyadeed,” ayuu madaxweynaha yiri.

Madaxtooyada ayaa sidoo kale shegetay in Madaxweynaha uu booqday Wasaaradda Difaaca halkaasna uu warbixin ka dhageystay hawlgallada ciidamada ee ka socda Galguduud iyo Shabeellaha Hoose.

Booqashadan wasaaradda ayaa ku soo beegmeysa kadib dagaallo culus oo ka dhacay Ceel-Dheer shalay, halkaas oo ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay la galeen Al-Shabaab kadib weerar ay ku soo qaaday magaalada.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here