Dowladaha Soomaaliya iyo Indonesia ayaa Khamiistii kala saxiixday heshiis laba geesood ah oo lagu dhaafayo fiisaha dadka haysta baasaboorrada diblomaasiyadeed iyo kuwa shaqaalaha dowladda. Tallaabadan ayaa loo arkaa mid muhiim u ah xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo fududeynta isu-socodka mas’uuliyiinta labada dal.
Heshiiska ayaa lagu kala saxiixday xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka Indonesia, ee magaalada Jakarta, halkaas oo kulan rasmi ah ay ku yeesheen Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali, iyo dhiggiisa Indonesia, Sugiono. Kulankooda ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhinacyada ganacsiga, waxbarashada, beeraha, caafimaadka, kalluumaysiga, iyo amniga badda.
Wasiir Cabdisalaam ayaa heshiiska kaddib sheegay in heshiiskaan yahay mid taariikhi ah oo safarada labada dhinac fududeyn karta “Heshiiskani waa mid taariikhi ah oo si buuxda u fududeynaya isu-socodka mas’uuliyiinta dowladda ee u kala safra Muqdisho iyo Jakarta iyaga oo aan u baahnayn fiiso.”
Intii uu kulanku socday, dowladda Indonesia waxay ballanqaadday taageero farsamo iyo xoojinta iskaashiga waxbarashada. Wasiirka Arrimaha Dibadda Indonesia ayaa ku dhiirrigeliyay Soomaaliya in ay ka faa’iidaysato barnaamijyada deeqaha waxbarasho ee ay bixiso Indonesia, kuwaas oo ay ka mid yihiin:
- Deeqda Iskaashiga Wadamada Soo Koraya.
Waa deeq waxbarasho oo ay dowladda Indonesia siiso ardayda kasoo jeeda wadamada soo koraya si ay uga bartaan jaamacadaha kala duwan ee Indonesia.
- Deeqda Waxbarasho ee Gargaarka Indonesia (TIAS)
Waa deeq cusub oo dowladda Indonesia bixiso si loo xoojiyo iskaashiga waxbarasho iyo horumarineed ee ay la leedahay wadamada saaxiibka la ah.
Heshiiskan ayaa ku soo beegmaya iyadoo 24-kii July 2025 Golaha Wasiirrada Soomaaliya ay si rasmi ah u ansixiyeen heshiiskaas, iyaga oo sheegay in uu muhiim u yahay xoojinta xiriirka labada dhinac iyo kor u qaadidda iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya.
Xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Indonesia wuxuu bilaabmay 11-kii Abriil 1964, xilligaas oo Indonesia ay safaarad ka furatay magaalada Muqdisho. Labada dal waxay sidoo kale xubin ka yihiin ururro caalami ah oo ay ka mid yihiin Qaramada Midoobay (UN) iyo Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC).