Muqdisho, Soomaaliya – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa 6 May 2025 la kulmay Michael E. Langley, Taliyaha Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), iyagoo ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga amniga ee Soomaaliya iyo Mareykanka.
Sida ay sheegtay Madaxtooyada Soomaaliya, kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo dardar gelin lahaa dadaallada wadajirka ah ee ka dhanka ah Al-Shabaab iyo Daacish, iyo sidii loo xoojin lahaa isku xirnaanta ka dhexeysa Soomaaliya iyo saaxiibada kale, oo ay ku jiraan Ciidamada AUSSOM.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa muujiyay mahadnaq uu u haayo taageerada joogtada ah ee Mareykanka ee Soomaaliya, gaar ahaan taageerada ay ku bixiso dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo Daacish.
“Madaxweynaha ayaa muujiyay mahadnaq qoto dheer oo uu u haayo taageerada joogtada ah ee Mareykanku u fidiyo Soomaaliya ee ku aaddan dagaalka socda ee ka dhanka ah argagixisada caalamiga ah.” Ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya.
Taliska AFRICOM ayaa sidoo kale kulmay hoggaanka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, oo uu hogaaminayo Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, iyo Taliyaha Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya, Odowaa Yuusuf Raage.
Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika ayaa Soomaaliya ka caawiya dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo Daacish, iyagoo taageero xooggan ku bixiyaan duqeymaha cirka ee lagu beegsanayo kooxahaas.