Sunday, May 25, 2025

Soomaaliya iyo Ciraaq oo kala saxiixday heshiis iskaashi amni

BAQDAAD, Ciraaq – Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Jamhuuriyadda Ciraaq, Cabdul-Amiir Al-Shamari, ayaa magaalada Baqdaad ku kala saxiixday heshiis isfahan oo ku saabsan iskaashi amni oo ujeedkiisu yahay xoojinta nabadgelyada iyo tayeynta hay’adaha amniga ee labada dal.


Heshiiskan oo lagu kala saxiixday kulan rasmi ah oo ka dhacay caasimadda Ciraaq 17 May 2025, ayeey sheegtay Wasaradda Amniga Gudaha Soomaaliya in uu muujinayo sida ay labada dowladood uga go’an tahay in ay iska kaashadaan sugidda amniga iyo xasilloonida, iyagoo sidoo kale ka wada shaqeynaya kor u qaadidda awoodda iyo xirfadda hay’adaha amni ee labada dhinac.

“Heshiiskan ay labada Wasiir kala saxiixdeen ayaa ah mid lagu xoojinayo iskaashiga dhinacyada amniga iyo xasilloonida labada dal ee walaalaha ah,” ayaa lagu yiri qoraalka Wasaradda Amniga Gudaha Soomaaliya kasoo baxay.


Wasiir Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) wuxuu qeyb ka ahaa wafdi heer sare ah oo uu hoggaaminayo Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, oo booqasho rasmi ah ugu jooga Ciraaq ka qeybgalka Shirka Jaamacadda Carabta.

Heshiiskan waxaa labada wasiir ku dhawaaqeen bishii Janaayo 2025 inay saxiixi doonaan, kadib kukan ka dhashay Booqasho uu Wasiir Fartaag ku tagay dalka Ciraaq.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here