Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah, ayaa 16-ki juun heshiis ku saabsan horumarinta kalluumeysiga iyo dhaqaalaha buluuga ah la saxiixatay Shirkadda OYAK ee dalka Turkiga.
Kuma cadeyn qoraalka ay soo saartay wasaaradda mudada uu socon doono heshiiska balse qodobada lagu heshiiyay ee diiradda lasaari doono ayay waxa ay ka yihiin:
- Maalgashi toos ah oo lagu sameynayo kaabeyaasha kalluumeysiga,
- Kor u qaadista wax-soo-saarka kalluunka,
- Tayeynta kalluunka si uu u gaaro suuqyada caalamiga ah,
- Dhisidda warshado si loo dardargeliyo dhoofinta kalluunka una furo fursado shaqo oo cusub,
- Hagaajinta la-dagaallanka kalluumeysiga sharci darrada ah ee badda Soomaaliya.
Heshiiska ayaa waxaa Dowladda Federaalka u saxiixay Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga, Ahmed Hassan Aden, halka shirkadda OYAK uu matalay Sermaye Yatırımları Anonim Şirketi.
Shirkadda OYAK, oo ah hay’ad maaliyadeed madax-bannaan oo la aasaasay 1961, kana tirsan Turkiga, ayaa leh khibrad maalgashi oo baaxad leh kana howl-gasha 24 dal oo caalamka ah. Waxay ka mid tahay sanduuqyada ugu waaweyn ee gaarka ah, waxayna maalgelisaa waaxyo ay ka mid yihiin tamarta, beeraha, maaliyadda, kiimikada, iyo macdanta.
Soomaaliya iyo Turkiga ayaa 8 febraayo 2024 wada galay heshiis Turkidu ay gacan ugu geysaneyso dhismaha, tababarka, iyo qalabaynta ciidamada badda ee Soomaaliya muddo10 sano ah. Sidoo kale heshiiska waxaa ku jirtay dheef wadaag dhaqaale ee laga helo Kheyraadka Dhaqaalaha Badda ay Turkiga ka mid noqon doonto.