Monday, May 12, 2025

Soomaaliya iyo Qatar oo iska kaashanaya la dagaallanka Alshabaab

Muqdisho – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa 11-kii bishan xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Qatar u fadhiya Soomaaliya, Cabdullaahi Bin Saalim, iyagoo si qoto dheer uga wada hadlay xoojinta xiriirka iskaashi ee ka dhexeeya labada dal.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada shaqeynta dhinacyada amniga, la dagaallanka kooxda Al-Shabaab, iyo kaalinta dowladda Qatar ee taageerada arrimaha amniga Soomaaliya.

Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay arrimo ay kamid yihiiin horumarka iyo hirgelinta qorshaha isbeddelka Qaranka, kaas oo ujeedkiisu yahay kobcinta dowladnimada iyo horumarinta adeegyada bulshada.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyay dowladda Qatar xiriirka soo jireenka ah ee kala dhexeeya Soomaaliya, iyo taageerada joogtada ah ee ay siiso shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dhanka kaabayaasha dhaqaalaha iyo adeegyada aasaasiga ah sida waxbarashada iyo caafimaadka.

Danjire Cabdullaahi Bin Saalim ayaa dhankiisa xusay in dowladda Qatar ay sii wadi doonto taageerada ay siiso Soomaaliya, isagoo carrabka ku adkeeyay sida ay uga go’an tahay in la xoojiyo xiriirka laba geesoodka ah.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here