Muqdisho (Dawan) – Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macalin Fiqi, ayaa kulan kula yeeshay magaalada Muqdisho, Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya, Wang Yu, si ay uga wada hadlaan iskaashiga labada dal.
Sida laga soo xigtay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, kulankaoo dhacay 24 June 2025 ayaa diiradda lagu saaray iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha, iyadoo sidoo kale la ka hadlay guulaha la gaaray ee ku aaddan dagaalka Al-Shabaab iyo kala guurka Ciidamada AUSSOM.
Kulankani ayaa ku soo beegmay xilli Soomaaliya ay wajaheyso dagaal culus oo ay kula jirto Al-Shabaab, kaas oo Soomaaliya ay taageero ka helayso saaxiibada caalamiga ah, gaar ahaan duqeymaha cirka ah.
Sidoo kale Aussom, oo ah howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, ayaa haatan wajahayo caqabado xagga maalgelinta ah, taasoo saameyn ku yeelan karta mustaqbalka Howlagalka oo hadda bilaw ah.