Jabuuti (Dawan) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka codsaday Dowladda Jabuuti in ay kaalin muuqata ka qaadato gurmadka loogu tala galay dadka ay abaaruhu saameeyeen ee ku nool gobolka Awdal, ee jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madax-bannaanida ee Somaliland.
Codsigan ayaa yimid Axaddii intii lagu guda jiray kulan uu Madaxweyne Xasan Sheekh la yeeshay dhiggiisa Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, kulankaas oo ka dhacay Qasriga Madaxtooyada ee magaalada Jabuuti. Sida lagu sheegay war kasoo baxay Villa Soomaaliya, labada Madaxweyne ayaa si qoto dheer uga wada hadlay xoojinta xiriirka istiraatiijiga ah, gaar ahaan dhinacyada amniga, la dagaallanka argagixisada, iyo dhismaha hay’adaha dowliga ah.
Balse, xaaladda bani’aadannimo ee ka jirta Awdal ayaa noqotay mid si gaar ah loogu istaagay. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa si cad u codsaday in Jabuuti ay gacan ka geysato gurmadka lagama maarmaanka ah.
“Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu dowladda Jabuuti ka codsaday in ay kaalin wax ku ool ah ka qaadato gurmadka iyo taageerada loo fidinayo shacabka Soomaaliyeed ee ay abaaruhu saameeyeen ee ku nool gobolka Awdal,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Villa Soomaaliya.
Gobolka Awdal oo xuduud la leh dalka Jabuuti ayaa si gaar ah ugu nugul abaarta sanadkan 2025. Sida lagu sheegay warbixinta IPC ee Abriil ilaa Juun 2025, in ka badan 81,000 oo qof oo ku nool Awdal ayaa la kulmayey cunto yari daran (Heerka IPC 3 ama ka sarreeya) — heerkaasi oo ah cabbirka ay adeegsadaan Qaramada Midoobay iyo hay’adaha gargaarka si ay u kala hormariyaan caawimada degdegga ah.
Hay’adaha gargaarka ayaa sheegaya in xaaladdan ay ka dhalatay roob la’aan daba dheeraatay, biyo yari, dhimasho xoolo badan, iyo koror ku yimid nafaqo-xumada — gaar ahaan haweenka iyo carruurta.
Codsiga Soomaaliya ee dhinaca Jabuuti ayaa imaanya iyadoo dowladad Soomaaliya ay horay ugu dhawaaqday xaalad bid bini’aadannimo ee gobolkaas ah sidoo kale Somaaliland ayaa iyadana ku dhawaaqday.
Qaramada Midoobay ayaa horay u sheegtay in in ka badan 5.9 milyan oo qof oo Soomaaliyeed ay u baahan yihiin gargaar bini’aadannimo sanadkan 2025. Waxaa sidoo kale la saadaalinayaa in 4.6 milyan oo qof ay wajahaan cunto la’aan daran, halka 1.8 milyan oo carruur ah ay wajihi doonaan nafaqo-xumo halis ah haddii aan la helin gargaar waqtigiisa ah.