Wednesday, April 16, 2025

Soomaaliya oo Fureysa Albaabbada Maalgashiga Shidaalka ee SSC-Khaatumo

By Abukar Osman

📍 Washington, D.C. – 15 Abriil 2025

Safiirka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Mareykanka, Daahir Xasan, ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in Soomaaliya ay hadda si buuxda ugu furan tahay sahaminta iyo qodista shidaalka, isagoo si gaar ah u xusay in Dooxada Nugaal ay tahay goob kheyraad hodan ku ah oo diyaar u ah maalgashi caalami ah.

Safiir Daahir ayaa ugu baaqay shirkadaha tamarta Mareykanka in ay dib ugu soo laabtaan Soomaaliya, gaar ahaan deegaanada SSC-Khaatumo, si ay uga faa’iideystaan fursadahan dhaqaale ee cusub.

Qoraalkan ayaa yimid maalmo un kadib booqashadii taariikhiga ahayd ee Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre uu ku tegay magaalada Laascaanood 12-kii Abriil, halkaas oo uu si rasmi ah ugu dhawaaqay in SSC-Khaatumo yahay mid ka mid ah maamul-goboleedyada rasmiga ah ee Federaalka Soomaaliya.

Safiirka ayaa sidoo kale sheegay in meesha laga saaray xaaladdii degdegga ahayd (force majeure), taas oo muddo hakisay howlaha shidaal baarista ee waqooyiga Soomaaliya.

Tallaabooyinkan ayaa loo arkaa kuwo muhiim u ah:

  • Xoojinta maalgashiga
  • Kobcinta dhaqaalaha dalka
  • Dib u xaqiijinta doorka SSC-Khaatumo ee nidaamka Federaalka

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here