Addis Ababa (Dawan) –Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa gaaray magaalada Addis Ababa si uu uga qayb-galo Shirweynaha Labaad ee Qaramada Midoobey ee Dib-u-eegista Nidaamyada Cuntada (UNFSS+4), kaasoo ay si wadajir ah u martigelinayaan Itoobiya iyo Talyaaniga, kana socda xarunta UNECA ee Addis Ababa inta u dhaxaysa 28 ilaa 29-ka Luulyo.
Shirkan ayaa ah madal heer caalami ah oo dib loogu eegayo horumarka laga gaaray tan iyo shirkii 2021 ee nidaamyada cuntada, loogana golleeyahay in dib loo adkeeyo ballanqaadyada caalamiga ah ee ku aaddan sidii nidaamyada cuntada loogu beddeli lahaa kuwo adkeysi leh, sinnaanta ku dhisan, oo waara, si kor loogu qaado yoolalka horumarka waara (SDGs).
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la mid noqday in ka badan 100 hoggaamiye caalami ah iyo wufuud ka socda hay’ado kala duwan oo caalami ah, kuwaasoo kulanka diiradda ku saaraya xoojinta isla xisaabtanka, kobcinta maalgashiga, iyo isku keenidda siyaasadaha lagu horumarinayo nidaamyada cuntada. Shirka ayaa ku soo beegmaya xilli ay sii kordhayaan caqabadaha la xiriira amniga cuntada oo ka dhashay isbeddelka cimilada, xasaradaha siyaasadeed, colaadaha, iyo hoos u dhaca dhaqaalaha — xaalado si gaar ah u taabanaya dalalka nugul sida Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed, ayaa la kulmay Madaxweynaha Soomaaliya, waxaana uu farriin uu ku soo qoray barta X (horey Twitter) ku soo dhaweeyay Madaxweynaha, isagoo ku tilmaamay “walaalkay,” kuna nuuxnuuxsaday xiriirka taariikhiga ah, dhaqameed iyo diblomaasiyadeed ee ka dhexeeya labada dal. “Waxaan ka go’an tahay inaan sii xoojino xiriirka walaaltinimo,” ayuu yiri Abiy.
Dhanka kale, Villa Somalia ayaa sheegtay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu la kulmi doono Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed inta uu ku sugan yahay magaalada Addis Ababa, si ay uga wadahadlaan xiriirka labada dal iyo xaaladda guud ee gobolka.
Shirka UNFSS+4 ayaa Soomaaliya uga qeybgalaysaa iyadoo ay jiraan dhibaatooyin ba’an oo dhanka amniga cuntada ah. Sida lagu sheegay warbixin cusub oo ay soo saartay Qaramada Midoobey, in ka badan 5.9 milyan oo qof ayaa u baahan gargaar bini’aadanimo oo degdeg ah gudaha Soomaaliya sanadka 2025. Waxaa ka mid ah 4.6 milyan oo qof oo la ildaran cunno yari ba’an iyo 1.8 milyan oo carruur ah oo halis ugu jira nafaqo-darro halis ah haddii aan la gaarsiin gargaar waqtigiisa ah.
Shirka UNFSS+4 waxa uu ku saleysan yahay saddex yool oo waaweyn: in dib loo eego horumarka waddammadu ka sameeyeen nidaamyadooda cuntada tan iyo 2021, in la xoojiyo iskaashiga iyo isla xisaabtanka, iyo in la furo maalgashi hor leh – gaar ahaan maalgelin deyn-yar – si loo dardargeliyo isbeddelka nidaamyada cuntada. Waxaa sidoo kale lagu saleynayaa maamul ku dhisan xuquuqda aadanaha, kaasoo fursad siinaya haweenka, dhallinyarada, beeraleyda yaryar, iyo bulshooyinka laga tirada badan yahay.
Shirkan wuxuu daba socdaa baaqii Qaramada Midoobey ee 2023, kaasoo tilmaamay lix arrimood oo mudnaan leh, oo ay ka mid yihiin: in nidaamyada cuntada lagu daro qorshayaasha horumarineed ee qaran, in la xoojiyo maamulka, in la maalgeliyo hal-abuurka iyo tignoolajiyada, in la dhiirrigeliyo ka qaybgalka bulshada, in la kobciyo doorka ganacsiga gaarka ah, iyo in la helo maalgelin deyn-yar oo joogto ah.