By Asha Elmi
Muqdisho, Soomaaliya – Muddo ka badan 30 sano kadib, Soomaaliya ayaa Talaadadii 27 May 2025, markii ugu horreysay martigelisay kulan kubadda cagta caalami ah oo ka dhacay caasimadda Muqdisho, taasoo calaamad u ah dib u soo kabashada ciyaaraha heer caalami ee gudaha dalka.
Ciyaartan taariikhiga ah oo lagu qabtay Garoonka Muqdisho waxaa hoggaaminayay halyeeyada kubadda cagta Afrika ee Samuel Eto’o (Kamaroon), Emmanuel Adebayor (Togo), iyo Jay-Jay Okocha (Nigeria), iyagoo qeyb ka ahaa “Safarka Nabadda” ee ay taageerto FIFA. Dhacdadan ayaa loogu talagalay in dib loo soo celiyo sumcadda Soomaaliya iyo in la dhiso aasaaska dalka si mar kale loogu martigeliyo ciyaaro caalami ah.
Kooxda qaranka Soomaaliya ayaa markii ugu dambeysay ciyaar gurigeeda ku ciyaartay 1986. Tan iyo burburkii dowladda dhexe ee 1991, dagaallada sokeeye iyo amni darrada ayaa ku qasbay ciyaartoyda iyo kooxda qaranka in ay ciyaaraha caalamiga ah ku qabtaan dalalka deriska ah sida Jabuuti iyo Itoobiya.
Garoonka Muqdisho, oo markii hore si xun u burburay kadib markii Al-Shabaab iyo ciidamada Midowga Afrika ay isticmaalayeen, ayaa dib loo dayactiray sanadkii 2020, taasoo u sahashay in Soomaaliya ay dib u bilowdo qabashada ciyaaraha gudaha.
Kooxda ay hoggaaminayeen Eto’o, Adebayor, iyo Okocha ayaa 8-4 ku garaacday kooxda Soomaaliya mataleysay, iyadoo kumanaan taageerayaal ah ay isugu soo baxeen garoonka, calanka Soomaaliya wata, una dabaaldegay dib u soo laabashada ciyaaraha kubadda cagta ee Muqdisho.
Emmanuel Adebayor ayaa ciyaarta ku tilmaamay mid “qurux badan oo layaableh,” isaga oo Alle uga baryay nabad Soomaaliya iyo mustaqbal ifaya. “Waxaan Alle uga baryeynaa inuu idin siiyo nabad, inuu idin siiyo fursad aad dalkiina ku dhisaan. Alle ha idinla jiro,” ayuu yiri.
Muhiimadda ciyaartan ayaa ka weyn ciyaarta lafteeda, waayo waxay calaamad u tahay dadaalada Soomaaliya ee ay ku doonayso in FIFA iyo CAF ay mar kale ogolaadaan inay martigeliso ciyaaro caalami ah. Wakiillo ka socday CAF iyo Golaha Ururada Kubadda Cagta Bariga iyo Bartamaha Afrika ayaa goob joog ka ahaa si ay u qiimeeyaan amniga iyo diyaar garowga ciyaarta.
Suleiman Xasan Wabeeri, Madaxweynaha Ururka Kubadda Cagta Jabuuti iyo Xubin ka tirsan Golaha FIFA, ayaa sheegay: “Waxaan waxana dhan u qababaabineeno oo ciyaaryahannahdaan aan u kennay inaan tusno adduun weynaha in kubbadda cagta lagu dheeli karo magalaada oo nabad tahay, isboortis uu ka jiro magaalada, garoon kuna uu martio gelin karo.”
intaas ku daray in CAF ay weli qiimeyn dheeraad ah ku sameyn doonto garoonka, isagoo muujiyay rajo wanaagsan.
In kasta oo ay jiraan caqabado badan, Soomaaliya waxay ciyaartan taariikhiga ah u aragtaa tallaabo weyn oo horay loogu qaaday waddada ay ku doonayso inay mar kale martigeliso ciyaaraha kubadda cagta caalamiga ah.