Sunday, August 10, 2025

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo aqoonsiga ka guddoomay Safiirka Itoobiya

MUQDISHO (Dawan) – Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa aqbalay waraaqaha aqoonsiga Safiirka cusub ee Dowladda Itoobiya, Suleiman Dedefo Woshe, taasoo muujinaysa dib u soo celinta xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal ee dariska ah.

Munaasabad ka dhacday xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee magaalada Muqdisho Isniintii, ayaa Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali, kaga aqbalay safiirka cusub.

“Wasiirka Arrimaha Dibadda, Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa ku qaabilay Muqdisho waraaqaha aqoonsiga Safiirka cusub ee Itoobiya, Suleiman Dedefo Woshe,” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda.

Safiirkan cusub wuxuu beddelayaa Muktar Mohamed Ware, oo ay dowladda Soomaaliya ka cayrisay dalka bishii Abriil 2024, kaddib markii uu khilaaf diblomaasiyadeed oo qoto dheer ka dhashay heshiis muran dhaliyay oo Itoobiya la gashay Somaliland, kaas oo Itoobiya loogu oggolaaday 20 km oo xeeb ah iyadoo beddelkeedana ay raadinaysay inay si buuxda u aqoonsato Somaliland oo iskeed ugu dhawaaqday madax-bannaani.

Magacaabista safiirka cusub ayaa imaneysa maalmo kaddib markii Soomaaliya si rasmi ah u shaacisay in la soo afjaray khilaafkii diblomaasiyadeed ee kala dhexeeyay Itoobiya, kaddib wada-hadallo ay dhexdhexaadisay Dowladad Turkiga.

Imaanshiha safiirka cusub waxaa loo arkaa fursad dib loogu bilaabi karo xiriir rasmi ah oo labada dal u dhexeeya, gaar ahaan arrimaha amniga gobolka, ganacsiga, iyo iskaashiga xuduudaha.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here