Saturday, July 27, 2024

Soomaaliya oo beenisay in ay Itoobiya la galeyso heshiis dhanka badda ah

Muqdisho (Dawan)- Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Cali Maxamed ayaa maanta oo Jimco ah beeniyay wararka sheegaya in Soomaaliya iyo Itoobiya ay wada galayaan heshiis dhanka badda ah, wuxuuna ku tilmaamay warkaas mid aan sal iyo raad toona lahayn.

“Wararka ku saabsan heshiiska badda ee ay ku lug leeyihiin Soomaaliya iyo Itoobiya gabi ahaanba waa kuwo aan waxba ka jirin. Soomaaliya waxay ku adkaysanaysaa midnimada dhulkeeda. Waxaan ku baaqaynaa in diiradda la saaro nabadda iyo xasilloonida gobolka” ayuu yiri, Cali Balcad.

Hadalka Wasiirka ayaa ku soo beegmaya maalin ka dib markii wakaaladda wararka ee Reuters ay sheegtay in Kenya ay soo bandhigtay heshiis dhinaca badda ah si loo qaboojiyo xiisadda u dhaxaysa Itoobiya iyo Soomaaliya.

Qorshaha Kenya ayaa Itoobiya u ogolaanaya in ay saldhig ciidan ka samaysato badda, isla markaana ay hesho deked ku taal Somaliland, sida ay Reutres kasoo xigatay diblomaasi Kenyan ah.

Heshiiska ay Kenya soo jeedineyso iyadoo la tashaneysa Jabuuti iyo urur goboleedka IGAD ayaa lagu maamuli doonaa sidii dowladaha aan badda lahayn ee gobolka ay u heli lahaayeen dekedo qaab ganacsi, sida uu Korir Sing’oei, oo ah xoghayaha arrimaha dibadda Kenya u sheegay Reuters.

Shalay ayay ahayd markii Madaxweyne Xasan Sheekh booqasho hal maalin ah ku teagy Kenya, isga oo dhiggiisa dalkaas William Ruto kala hadlay sidii loo sii looga wada shaqeyn lahaa nabadda iyo ammaanka gobolka.

Itoobiya ayaa 1-dii January heshiis ay ku heleyso 20 KM oo dhinaca badda ah la gashay Somaliland, waxaana heshiiskaas si adag uga hor yimid dowadda Soomaaliya oo ku tilmaantay tillaabada Itoobiya mid xad gudub ku ah midnimada dhulka Soomaaliya iyo xeerarka adduunka ee madax bannaanida dowladaha.

Isbuuci lasoo dhaafay,  Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa soo saaray go’aan lagu xirayo qunsuliyadaha ay Dowladda Itoobiya ku leedahay magaalooyinka Garoowe iyo Hargeysa, iyada oo sidoo kale la faray shaqaalaha ka howl gala in ay muddo todobaad ah uga baxaan dalka.

Sidoo kale Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa safiirka Itoobiya u fadhiya Soomaaliya ku wargelisay in uu dalkiisa la tashi ugu laabto.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here