Monday, April 7, 2025

Soomaaliya oo Daahfurtay Nidaam Lacag-bixin Degdeg ah

Muqdisho, Soomaaliya Soomaaliya ayaa qaaday tallaabo taariikhi ah oo ku wajahan horumarinta tiknoolajiyadda maaliyadeed, iyadoo si rasmi ah u daahfurtay nidaamkeedii ugu horreeyay ee Lacag-Degdeg ah (Instant Payment System) ee heer qaran. Hindisahan waxaa horkacaya Bangiga Dhexe ee Soomaaliya (CBS), waxaana farsamo ahaan hirgelinaya madasha SmartVista oo ay leedahay shirkadda caalamiga ah ee BPC.

Nidaamkan cusub oo loo bixiyay Somalia Payment Switch (SPS) ayaa suurtagelinaya in lacagaha si toos ah loogu kala gudbiyo 24 saacadood maalintii, 7 maalmood toddobaadkii, 365 maalmood sannadkii. Wuxuu ku shaqeynayaa SOMQR, oo ah nidaam lacag-bixin QR ah oo sugan, degdeg ah, islamarkaana la jaanqaadaya xaaladda Soomaaliya.

Nidaamkan wuxuu xambaarsan yahay xalal casri ah oo lagula tacaalayo khiyaanada iyo hanjabaadaha amni ee dhinaca internetka, si loo hubiyo in macaamiishu ay helaan adeeg maaliyadeed oo aamin ah.

Sida uu sheegay Guddoomiyaha Bangiga Dhexe, Cabdiraxmaan M. Cabdullaahi, daahfurka SPS waa “tallaabo taariikhi ah oo xoojinaysa dhaqaalaha casriga ah ee dalka.”

SIPS waxa uu si degdeg ah iyo si ammaan ah u suurtagelinayaa macaamilka maalinlaha ah, isagoo awood u siinaya ganacsiyada iyo muwaadiniinta inay qaataan dhaqaalaha aan lacag caddaan ah lagu shaqeynin,” ayuu yiri Guddoomiyaha.

Waqtigan xaadirka ah, todobo bangi ayaa si rasmi ah ugu xiran nidaamka SPS, iyadoo lagu wado in bangiyo kale iyo shirkado lacagta moobaylka bixiya ay iyaguna ku xirmaan dhowaan. Isku xirkaas ayaa suuragelinaya in si fudud loogu kala wareego lacagaha u dhaxeeya bangiyada iyo moobaylka—arrin sare u qaadaysa hufnaanta, isku xirnaanta iyo helitaanka adeegyada maaliyadeed ee dalka oo dhan.

Hindisahan ayaa sidoo kale loo arkaa fursad lagu balaadhinayo ka mid noqoshada maaliyadeed, gaar ahaan dadka aan horay u haysan adeegyo bangiyeed, iyadoo la yareynayo ku-tiirsanaanta lacagta caddaanka ah.

Daahfurka nidaamkan ayaa laga arkaa tiir muhiim ah oo u gogol xaaraya koboc dhaqaale oo waara, isagoo dhiirrigelinaya ganacsiga yar yar, ganacsiyada cusub, iyo maalgashiga gudaha. Soomaaliya waxay si cad ugu sii dhawaanaysaa mabaadi’da caalamiga ah ee maaliyadda dijitaalka ah.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here