Soomaaliya ayaa mar kale ku adkaysatay sida ay uga go’an tahay midnimada iyo ilaalinta xuduudaheeda ka dib markii Ted Cruz oo ah Senatar Mareykan ah, , uu ugu baaqay Madaxweyne Donald Trump in uu si rasmi ah ugu aqoonsado Somaliland inay tahay dal madax-bannaan.
Warqad uu u diray Aqalka Cad 14-ki Agoosto 2025, Senatar Cruz ayaa ku dooday in Somaliland ay ka shaqaynaysay dimuquraadi isku-maamul tan iyo 1991, isagoo tilmaamay doorashooyinkeeda dimoqraadiyadeed, iskaashiga amniga ee ay la leedahay Mareykanka, iyo goobta istiraatiijiga ah ee ay ku taallo ee Gacanka Cadmeed. “Iskaashiga Mareykanka iyo Somaliland waa mid xooggan, waana sii xoojinayaa… Si tan loo gaaro waxtar iyo faa’iido ugu leh danaha amniga qaranka Mareykanka, waxay u baahan tahay in loo aqoonsado dal. Waxaan kugu boorinayaa inaad siiso aqoonsigaas,” ayuu qoray Cruz.
Safaaradda Soomaaliya ee Washington ayaa si degdeg ah uga jawaabtay, iyadoo sheegtay in Soomaaliya ay tahay saaxiib joogta ah oo Mareykanka leeyahay” isla markaana waxa ay digniin ka direen in wax kasta oo siyaasad ah oo daciifinaya madaxbannaanida Soomaaliya ay kaliya dhiirrigelin doonaan kooxaha Al-shabaab iyo Daacish, isla markaana khatar ku noqon doonaan xasiloonida guud ee Geeska Afrika. Safaaradda Waxa ay xustay in Soomaaliya iyo Mareykanka ay sannadkan 2025 keliya ka fuliyeen in ka badan 20 weerar milateri oo wadajir ah oo ka dhan ah Al-Shabaab iyo Daacish — “iskaashi heerkiisu ka sarreeyo sannadihii hore.”
Wasiiru dowlaha wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Xukuumadda Federaalka, Cali Cumar(Cali Balcad), ayaa fariintan ugu jawaab celiyay qoraal uu ku daabacay X (Twitter), isagoo yiri: “Geeska Afrika wuxuu marayaa is-goys muhiim ah. Argagixisada, abaaraha, colaadaha, iyo carqaladaha ganacsiga caalamiga ah waxay u baahan yihiin iskaashi, ma aha kala qaybin. Soomaaliya iyo Mareykanka waa inay u istaagaan si wadajir ah si loo difaaco xasiloonida, dimuqraadiyadda, iyo barwaaqada wadaagga ah.”
Isweydaarsigan ayaa imanaya xilli Muqdisho ay xoojinayso xiriirka amniga ee Washington, isla markaana doodaha ku saabsan mustaqbalka siyaasadeed ee Somaliland ay weli kicinayaan xaaladaha diblomaasiyadeed ee gobolka.