Wednesday, August 6, 2025

Soomaaliya oo la wareegtay ku dhawaad $1 Milyan oo maalgelin Argagixiso ah

MUQDISHO (Dawan) – Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya lagu wareejiyay ku dhawaad $1 milyan, oo laga helay xisaabaad bangi oo la tuhunsan yahay inay xiriir la leeyihiin shabakado maalgelin argagixiso.

Qoraal rasmi ah oo Talaadadii la soo saaray ayaa lagu sheegay in lacagahaasi loo wareejiyay khasnadda dowladda kaddib markii maxkamaduhu ay si sharci ah u xukumeen in hantidaasi ay ka timid ilo dambiyeedyo la xaqiijiyay.

“Ku dhawaad hal milyan oo doolar oo ku jiray xisaabaad lala xiriirinayo kooxaha argagixisada ayaa si sharci ah loogu wareejiyay dowladda Soomaaliya,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Xafiiska ayaa sidoo kale sheegay in lacag kale oo gaaraysa $500,000 la xayiray, iyadoo baaritaannada ay farta ku fiiqeen in lacagahaasi laga helay in ka badan 3,500 xisaabood oo loo adeegsaday dhaq-dhaqaaqyo lacageed oo lala xiriirinayo kooxaha hubeysan.

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha ayaa sheegay in hadda ay gacanta ku hayaan in ka badan 250 kiis, islamarkaana 50 eedeysane dacwado loo heysto, kuwaas oo qaarkood la rumeysan yahay inay ku sugan yihiin dibadda. Waxaa la sheegay in INTERPOL laga codsaday in la caawiyo sidii loo soo qaban lahaa.

Sidoo kale, 13 xukun maxkamadeed ayaa la gaaray, kuwaas oo qaarkood ay ku lug lahaayeen lacag ka timid ilaha dibadda.

Mas’uuliyiinta ayaa ugu baaqay shirkadaha maaliyadeed iyo ganacsatada inay si buuxda u raacaan xeerarka ka dhanka ah lacag dhaqidda sharci darrada ah, ayna la shaqeeyaan hay’adaha baarista.

“Xafiisku wuxuu shacabka Soomaaliyeed ka codsanayaa inay si dhow ula shaqeeyaan Xeer Ilaaliyaha Guud iyo hay’adaha kale ee denbi baarista,” ayaa lagu soo gabagabeeyay.

Warkan ayaa imaanaya xilli cadaadis caalami ah uu saaran yahay Soomaaliya, si loo xoojiyo daahfurnaanta nidaamka maaliyadeed iyo ka hortagga taageerada kooxaha hubeysan ee Al-Shabaab iyo kuwa la midka ah.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here