Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa ka digtay in cudurka ay Soomaalida u taqaano Kaduudiyaha uu si weyn uga faafay dalalka ku yaal Badweynta Hindiya, iyo kuwa gobolka, sida Soomaaliya. WHO waxay ugu baaqday dalalka ku yaal meelaha ay kaneecada nuuceeda loo yaqaan Aedes(eedis) ku badan tahay inay qaadaan tallaabooyin degdeg ah si loo xakameeyo faafitaanka cudurka, Kaneecadaan ayaa qeyb ka qaadato faafitaanka cudurkaan.
Cudurka Kaduudiyaha oo ka yimaada kaneecada ayaa sababa qandho, xinjirowka dhiiga, iyo xanuun adag oo kala-goysyada ah, kuwaasoo sababi kara naafonimo muddo dheer, iyadoo ilaa 40% bukaannada ay la kulmaan dhibaatooyin caafimaad oo joogto ah. WHO ayaa sheegtay in cudurka uu ku faafay 119 dal, isagoo halis gelinaya 5.6 bilyan oo qof.
Sida ay sheegtay Diana Rojas Alvarez, oo kamida kooxda cudurada viruska WHO, cudurka kaduudiyaha wuxuu ka dillaacay jasiiradaha Badweynta Hindiya sida La Reunion, Mayotte, iyo Mauritius, halkaas oo saddex meelood meel dadka La Reunion ay la nool yihiin cudurka. Hadda, cudurka wuxuu kusii faafayaa meelo kale oo ka mid ah Madagaskar, Soomaaliya, iyo Kenya, iyadoo Koonfur Asia uu ku sii faafaya cudurka .
iyadoo warbxinta lagu sheegay in cudurkaan kaduudiyaha uu lamid yahay kii sanadihii 2004-2005 marka la eego sida safmareenka ah uu u faafayo.
WHO ayaa adkaysay in dalalka ay ka jiraan kaneecadaha Aedes ay muhiim tahay in la kordhiyo kormeerka iyo dadaallada xakamaynta kaneecada, si loo xakameeyo faafitaanka cudurka.
Soomaaliya ayaa qeyb ka ah dalalka uu saameynta ku leeyahay balse uusan wali aad u darneyn oo dhaca badweynta Hindiya.