Saturday, July 27, 2024

Biixi oo ku eedeeyay mucaaradka in ay carqalad ku yihiin doorashooyinka

Hargeysa (Dawan)- Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo wareysi siiyey Telefeshinka Somaliland ayaa ku eedeeyay Xisbiyada Mucaarada ah in ay carqalad ku yihiin doorashooyinka, isaga oo sidoo kale ballan qaaday inuu xilka wareeji doono haddii looga guuleysto tartanka Madaxtinimo.

“Labada Xisbi ee iminka wada intaa oo rabshada ah sow maan tartamin 2017? sow lagama adkaan, maantana waxaan qabaa waa kuwii aan isnaqaanay iyo anaga oo tartameyna. Anigna tartan diyaar baan u ahay, haddii layga helana si xarako leh ayaan u wareejinaya” ayuu yiri, Muuse Biixi.

Muuse ayaa sheegay in buuqa ay sameeyeen Xisbiyada Mucaaradku ay ka dhalatay khasaaro iyo in mar kale ay seddexdii Xisbi ee tartamay sanandkii 2017 ay kusoo laabtaan tartanka doorashooyinka.

Biixi oo ka jawaabayay mar la weydiiyay faa’iidada ugu jirta heshiiska Badda ee uu la galay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa yiri, ” Sidaad ogtahay Madaxweyne kasta danta dalkiisa ayuun buu u adeegaa. Itoobiya waa dal aan bad lahayn, dadka ugu tirada badanna ay ku noolyihiin Geeska Afrika, dhaqaalihiisu aad u koraayo sidaas darteed aynu ognahay in ay muddo ku taameysay in ay hesho Deked, Somaliland muddo dhowr iyo soddon sano ah waxa aynu raadinayanaa ictirfaaf .. taas ayay ku fadhidaa heshiiska is-fahanka ah”

Muuse ayaa sheegay in is weydaarsiga ictirfaaka iyo siinta saldhigu ay halmar wada dhici doonaan, sida lagu heshiiyay sidaasna ay Itoobiya ku noqon doonto Dowladdii ugu horeysay ee aqoonsata madax bannaanida Somaliland

Madaxweynaha Somaliland ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya aysan wax shaqo ah ku lahaa karin Dowladda ay heshiis la geliyaan iyo cidda ay la macaamilyaan, isaga oo sheegay in ay kala yihiin Labada Dowladood oo beri ahaan jiray hal Dowlad laakin kala go’ay muddo soddon sano ka hor intaasna ay Somaliland la macaamili jirtay dunida.

“Dowladoodu waa Baarlamaanteeri, inagu waa presidential, laba Baarlamaan oo kala gaar ah baynu leenhay, laba Dastuur baynu kala leenahay, adduunyada baynu la macaamilnaa marka meel ay kasoo geli karaan ma jirto, .. Malaha xoog ay ku yimaadana maanta ma hayaan” ayuu yiri, Biixi.

Arrinkaan ayaa imanaya kadib markii Muuse Biixi uu 22-ka bishaan January dib ugu celiyay    Golaha Guurtida xeerarka doorashooyinka oo ay hore Golayaasha Wakiillada iyo Guurtidu u meelmariyeen.

Madaxweynaha ayaa soo celintiisa ku sababeeyay in uu qoraal ka helay Golaha Guurtidu ay ku dalbanayaan in loosoo celiyo xeerka dooraashooyinka, sidaasna uu ku celiyay.

Muuse ayaa yiri ” Guddomiyaha Guurtida ayaa igu yiri, sharcigaa uma dhameystirna jaranjaradi sharcigu mari lahaa ee soo celi. Waan u celiyay. Doodu waxa ay iminka dhax taal labada Gole. Sharcigaa aynu gudbinay inaga xaq u lahayn iyo umaad lahayn haka soo dhamaato. iyaga oo wada socda oo ku heshiis ah ha ii keenaan. Hadduu waafaqsanyahay Dastuurka waa sii deynaya, haddii aan sii daayi waayana 21 cisho ayuu ku noqonaya sharci”

Xisbiyada Mucaaradka ayaa horay u qabay dareen ah in Madaxweyne Biixi dib usoo celin doono xeerka doorashooyinka, waxaana laga cabsi qabaa in ay markale soo nooleyso khilaafkii doorashooyinka ee u dhexeeyay Xukuumadda iyo Mucaaradka Somaliland.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here