Wednesday, August 6, 2025

Soomaaliya oo Kaarka NIRA ku xiraysa Safarka Gudaha


MUQDISHO (Dawan) – Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday in laga bilaabo 1-da January 2026, dhammaan dadka safar ku mara gudaha dalka laga doonayo inay haystaan Kaarka Aqoonsiga Qaranka (NIRA), si loo xaqiijiyo xogtooda shaqsiga ah.

Go’aankan ayaa lagu shaaciyay kulan wada-tashi ah oo ka dhacay xarunta dhexe ee hay’adda, kaas oo diiradda lagu saaray horumarinta is-kaashiga Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda iyo Hay’adda Diiwaangelinta iyo Aqoonsiga Qaranka (NIRA), iyadoo la hiigsanayo xoojinta nidaamka aqoonsiga muwaadiniinta iyo dhisidda kalsoonida lagu qabo dukumiintiyada rasmiga ah ee dowladda.

Shirka waxaa guddoomiyay Wasiirka Amniga Gudaha Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), waxaana ka qeyb galay Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Cali Cumar Balcad, Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka Mustafe Sheekh Cali Dhuxulow, Maareeyaha Guud ee NIRA Cabdiwali Cali Cabdulle (Timacadde), iyo mas’uuliyiin kale oo labada hay’adood ka socday.

War-saxaafadeed laga soo saaray kulanka ayaa lagu yiri:

“Laga bilaabo 1-da September 2025, codsashada Baasaboorka Soomaaliyeed waxaa lagama maarmaan noqon doona in lala yimaado Kaarka Aqoonsiga Qaranka, si loo xaqiijiyo sugnaanta iyo kalsoonida xogta muwaadinka.”

Hay’addu waxay sidoo kale xaqiijisay in laga bilaabo taariikhdaas dhammaan codsadeyaasha baasaboorka looga baahan doono kaarkaasi si loo xaqiijiyo aqoonsigooda.

Mas’uuliyiinta ayaa tilmaamay in tallaabadan ay qeyb ka tahay dadaallada Dowladda Federaalka ee lagu tayeynayo maamulka socdaalka, sugidda aqoonsiga muwaadiniinta, iyo kor u qaadista kalsoonida lagu qabo adeegyada dowladda.

Waxaa xusid mudan in hay’ado dowladeed iyo maaliyadeed ay horey u bilaabeen inay ku xiraan adeegyadooda helitaanka Kaarka Aqoonsiga Qaranka, kuwaas oo ay ka mid yihiin Bankiga Dhexe ee Soomaaliya, Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista, iyo Wasaaradda Ganacsiga.

Go’aankan cusub wuxuu daba socdaa qaraar Golaha Wasiirrada ay ansixiyeen bisha April 2025, kaas oo dhigaya in dhammaan adeegyada dowladda lagu xiro haynta Kaarka Aqoonsiga Qaranka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here