Tuesday, July 29, 2025
Array

Soomaaliya oo Ku Baaqday Dhaqan-gelinta Degdegga ah ee Sanduuqa Horumarinta OIC

Soomaaliya ayaa markale ku celisay baaqeedii ku wajahnaa dhaqan-gelinta degdegga ah ee Sanduuqa Horumarinta Soomaaliya ee hoos taga Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC), iyadoo ka digtay in dib-u-dhacyada jira ay si weyn u carqaladeynayaan dadaallada bini’aadantinimo iyo horumarineed ee dalka ka socda.

Baaqan waxaa jeediyay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Cabdisalaam Cabdi Cali, intii uu socday shirka heer wasiir ee Kooxda Xiriirka OIC ee Soomaaliya oo lagu qabtay magaalada Doha 27–28 Luulyo, 2025.

Qoraal rasmi ah oo kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa lagu yiri:“Dowladdu waxay soo dhoweysay ansixinta shuruucda cusub ee sanduuqa bini’aadantinimo ee OIC, oo ay ka mid tahay Sanduuqa Gaarka ah ee Horumarinta Soomaaliya, waxayna ku boorrisay in si degdeg ah loo dhaqan-geliyo.” Wsaaradda Arrimaha Dibadda, Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

Wasiir Cabdisalaam sidoo kale wuxuu soo jeediyay in la dhiso Guddiga Dabagalka (Follow-Up Committee) oo ka tirsan Kooxda Xiriirka, si loo kordhiyo isuduwidda iyo dabagalka ku aaddan sanduuqa.

Sanduuqa Horumarinta Soomaaliya ee hoos yimaada OIC ayaa markii hore la aas-aasay sanadkii 2011, hase yeeshee weli si rasmi ah uma howlgelin, inkastoo ay jiraan qaraarro badan oo ay ansixiyeen dalalka xubnaha ka ah OIC. Mas’uuliyiinta Soomaaliyeed ayaa tilmaamay in sanduuqan uu muhiim u yahay maalgelinta kaabeyaasha dhaqaalaha, adeegyada bulshada, iyo barnaamijyada adkeysiga, kuwaas oo qeyb ka ah Qorshaha Isbeddelka Qaranka ee 2025–2035 iyo Aragtida Fog ee Soomaaliya 2060.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here