Monday, December 23, 2024

Soomaaliya oo ku biirtay Guddiga kaabayaasha isgaarsiinta badda hoosteeda

Muqdisho (Dawan)- In ka badan 99% xogta caalamiga ah waxay martaa hab-ka qarsoon ee Fiilooyinka hoos mara badaha. Soomaaliya hadda waxay hormuud ka noqotay dadaallada lagu badbaadinayo kaabahan, iyadoo ku biirtay guddiga caalamiga ah ee la-talinta si loo xaqiijiyo adkeysigiisa adduunka dijitaalka ah ee sii kordhaya.

Soomaaliya ayaa si rasmi ah uga mid noqotay Guddiga Caalamiga ah ee La-talinta xoojinta kaabayaasha isgaarsiinta ee xargaha badda hoosteeda mara. Guddigan oo dhowaan la aasaasay ayaa muhiim u ah ilaalinta iyo xoojinta fiilooyinka badda hoosteeda oo qaada in ka badan 99% xogta caalamiga ah. 

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka Soomaaliya, Mustafa Yaasiin Sheekh oo matalaya Soomaaliya, ayaa abrtiisa X ku  sheegay in Ka mid noqoshada Soomaaliya ee guddigan caalamiga ah ay caddeyn u tahay sida ay uga go’an tahay ilaalinta kaabayaasha muhiimka ah ee dijitaalka ah, iyadoo la wajahayo caqabado ay ka mid yihiin hanjabaadaha cyber-ka iyo xaaladaha juquraafiyeed. Waxa uu intaas raaciyey in uu ku faraxsanahay in uu gacan ka geysto xoojinta adkeysiga fiilooyinka badda iyo horumarinta mustaqbalka dijitaalka ah ee Soomaaliya.

Guddigan, oo la aasaasay 1-dii Nofeembar 2024 ayaa 2-sanaba mar lamagaaci doona xubnihiisa, waxaana iska kaashaday Hay’adda Isgaarsiinta Caalamiga ah iyo Guddiga Ilaalinta Fiilooyinka Badda. Ujeeddadiisu waa in la xoojiyo adkeysiga fiilooyinka badda iyada oo la dhiirrigelinayo iskaashi caalami ah iyo hab-dhaqanno wanaagsan. 

Fiilooyinka badda hoosteeda ayaa ah laf-dhabarta isgaarsiinta caalamiga ah, iyadoo adeegyada muhiimka ah sida ganacsiga, maaliyadda, waxbarashada, caafimaadka, iyo howlaha dowladeed ay ku tiirsan yihiin. 

Guddiga wuxuu ka kooban yahay 40 xubnood oo ka socda gobollo kala duwan, waxaana uu diiradda saari doonaa: 

– Yareynta khataraha soo gaara fiilooyinka. 

– Dardar-gelinta rakibista iyo hagaajinta degdegga ah ee fiilooyinka. 

– Hubinta joogteynta isku xirka caalamiga ah ee fiilooyinka. 

Kulanka ugu horreeya ee guddiga ayaa lagu qaban doonaa khadka internetka Diseembar 2024, halka shir fool-ka-fool ah lagu qaban doono Abuja, Nigeria, bisha Febraayo 2025, intii lagu guda jiro Shirweynaha Adkeysiga Fiilooyinka Badda. 

Sida laga soo xigtay Hay’adda Isgaarsiinta Caalamiga ah, cilladaha soo gaara fiilooyinka badda hoosteeda waxay gaarayaan 150 ilaa 200 sannadkii, iyadoo sababo ay ka mid yihiin kalluumeysiga iyo xaaladaha dabiiciga ah ay ugu wacan yihiin.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here