Sunday, June 1, 2025

Soomaaliya oo Ku Guuleysatay Xubinimada Golaha Fulinta ee UN-Habitat

Soohoyde

NAIROBI  – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay ku guuleysatay in si rasmi ah xubin uga noqoto Golaha Fulinta ee Hay’adda Qaramada Midoobay ee horumarinta magaalooyin(UN-Habitat).

Soomaaliya ayaa xubinnimadan loogu doortay kalfadhiga labaad ee Golaha Fulinta ee UN-Habitat, kaasoo dib uga furmay xarunta Qaramada Midoobay ee magaalada Nairobi, caasimadda dalka Kenya maalmihii  Khamiista iyo Jimcaha.

In ka badan kun wakiil oo ay ka mid yihiin wasiiro, guddoomiyayaal gobol iyo diblomaasiyiin caalami ah ayaa ka qeyb galay kulanka sare ee UN-Habitat, oo looga hadlayay mustaqbalka horumarinta magaalooyinka, dejinta dadka barakacay, iyo qorshaha magaalooyin waara oo dadka u dhigma.

Shirka waxaa Soomaaliya uga qeyb galay Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u Dhiska iyo Guryeynta,  Elmi Mahamoud Nur, iyo Danjiraha Soomaaliya ee Kenya, Jibriil Ibraahim Cabdulle.

Wasiir Elmi ayaa warbaahinta u sheegay in xubinnimadaasi ay fursad weyn u tahay Soomaaliya, maadaama ay si toos ah uga qeyb geli doonto go’aanada lagu hago barnaamijyada caalamiga ah ee UN-Habitat.

“Fursadda halkaan inoogu jirta waxa weeye, markaan golahan ka mid noqonay, in aan codkeena iyo howlaha dib u dhiska dowladnimo – gaar ahaan kuwa quseeya Wasaaradda Howlaha Guud – aan door fiican ka heli doono. Waxaana rajeynaynaa in waxyaabo badan oo siyaasadaheenna ah ay hirgeli doonaan,” ayuu yiri Wasiirka.

Sidoo kale, Jibriil Ibraahim Cabdulle ayaa noqonaya wakiilka joogtada ah ee Soomaaliya ku meteli doona UN-Habitat, isagoo si toos ah uga qeyb qaadan doona fadhiyada iyo howlaha golaha.

UN-Habitat waa hay’ad ka tirsan Qaramada Midoobay, una  xilsaaran horumarinta magaalooyin bulsho ahaan iyo deegaan ahaan, iyo xaqiijinta in qof kastaa helo hoy ku filan, ammaan ah oo la awoodi karo.

Golaha Fulinta ee UN-Habitat wuxuu door muhiim ah ka ciyaaraa hagidda istaraatiijiyadda hay’adda, ansixinta barnaamijyada, iyo miisaaniyadda.

Soomaaliya ayaa haatan si buuxda uga mid noqon doonta golahan muddo afar sano ah laga bilaabo 2025, taas oo fure u noqon karta saameyn siyaasadeed oo mug leh.

Ka mid noqoshada Soomaaliya ee golahan sare ayaa loo arkaa in ay u gogol xaareyso in dalku cod muuqda ku yeesho siyaasadaha caalamiga ah ee la xiriira horumarinta magaalooyinka, guryeynta dadka barakacay, iyo qorsheynta magaalooyin waara.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here