Saturday, July 27, 2024

Masar: Waxaan garab taaganahay Soomaaliya

Qaahira (Dawan)- War qoraal ah oo maanta ka soo baxay Madaxtooyada Masar ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Cabdifataax Al-Siisi uu khadka taleefoonka kula hadlay Madaxweynaha Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud.

Qoraalka ayaa intaas raaciyay, in labada Madaxweyne kawada hadleen xoojinta iskaashiga wadajirka ah ee ka dhaxeeya labada dal iyo sii wadidda wadashaqeynta dhinacyada kala duwan iyada oo la eegayo xiriirka soo jireenka iyo taariikhiga ah ee ay wadaagaan labada Shacab

Labada Madaxweyne ayaa sidoo kale isla soo qaaday xaaladda Gobolka, iyada oo Madaxweynaha Masar uu caddeeyay mowqifka adag ee dalkiisu ka taaganyahay garab istaagga Soomaaliya isla markaana taageerayo amnigeeda iyo xasiloonideeda, sida uu sheegay Afhayeenka Madaxtooyada Masar, Axmed Fahmi.

Masar ayaa noqotay Dowladdii ugu horeysay ee garab istaag u muujisa Soomaaliya kadib markii ay maanta Xukuumadda Soomaaliya ka codsatay Ururada caalamiga ah iyo Dowladaha daneeya xasiloonida Gobolka in ay garab istaagaan  xaqa Dowladda Soomaaliya  ee ilaalinta  midnimadeeda dhuleed kuna cadaadiyaan Itoobiya in ay kusoo noqoto xeyndaabka shuruucda caalamiga ah.

Dowladaha Masar iyo Itoobiya waxaa ka dhaxeeyay waayadii u dambeysay xurguf iyo khilaaf dhanka biya Wabiga Nile kadib markii ay Itoobiya go’aansatay in ay sameysato Biyo-Xireen laga dhaliyo korontada.

Dhowr jeer ayaa la isgu yimid, wada xaajood si xal looga gaaro laakin wax natiijo ah waa laga gaari waayay, iyada oo labada dhinac ay is dhaafsadeen eedeymo kulul.
Xiisadda Badda ee Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa u muuqata mid shidaal kusii shubi doonta xaaladda Gobolka oo markii horeba la ciir ciireysay dhbaatooyin kala duwan.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here