Sunday, September 8, 2024

Soomaaliya oo markii ugu horeysay ka qayb gashay shir-madaxeedka EAC

Muqdisho (Dawan)- Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo habka fogaan aragga ah kaga qayb galay kulanka 23-aad ee aan caadiga ahayn ee Madaxda Dalladda Bulshada Bariga Afrika ayaa ku bogaadiyey Madaxda dalalka ku bahoobay Dalladan garab istaagga iyo u qareemidda codsiga Soomaaliya ee ka mid noqoshada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey.

Madaxweyne Xasan ayaa hadal jeedintiisa ugu horreysay ee shir-madaxeedkan uga hadlay muhiimadda ay leedahay iskaashiga ka dhexeeya waddamada xubnaha ka ah EAC, gaar ahaan dhinacyada nabadda, amniga, ganacsiga, iyo horumarinta dhaqaalaha, isagoo timaamay in Soomaaliya dhowaan ay soo direyso wakiilladeeda labada Gole ee Baarlamaanka iyo Maxkamadda Caddaaladda Bulshada Bariga Afrika.

“Maanta, Soomaaliya waxa ay u tahay meerto taariikhi ah, inaga oo ka qeyb galnay shir-madaxeedkeenii ugu horeeyay innaga oo ah xubin rasmi ah oo ka tirsan Dalladdan. Soomaaliya waxa ay dhowaan soo direysaa wakiilladeeda labada Gole ee Baarlamaanka Bulshada Bariga Afrika iyo Maxkamadda Caddaaladda Bariga Afrika.” ayuu yiri, Madaxweyne Xasan.

Madaxweynaha ayaa intaas ku daray; ” “Xubinimadeenna Dalladda Bulshada Bariga Afrika, waa bog cusub oo u furmay hayaanka xaqiijinta himmillooyinkeenna qaran, kaas oo ballan qaadaya koboc dhaqaale, xasilooni, iyo barwaaqo”

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku booriyey madaxda kale ee EAC in la sii ambaqaado qorshayaal cad oo lagu xallinayo caqabadaha amniga iyo dhaqaalaha ee hortaagan gobolka, isagoo sidoo kale xusay muhiimadda ay leedahay in la adkeeyo xiriirka ka dhexeeya dowladaha xubnaha ah ee EAC.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bishii December ee lasoo dhaafay ku saxiixay magaalada Entebbe ee dalka Uganda heshiiska ku biiritaanka Dallada Bulshada Bariga Afrika (EAC).

Bulshada Bariga Afrika waa urur Goboleed dhidibada loo taagay sannadkii 2000 ayna ku mideysan yihiin dalalka kala aha Burundi, Kenya, Rwanda, Koonfurta Suudaan, Tanzania, Uganda, Jamhuuriyadda Kongo iyo Soomaaliya oo noqotay dalkii siddeedaad ee ku biira waxaana xarun u ah magaalada Caruusha ee dalka Tanzania.

Dalalka ku bahoobay Ururka EAC ayaa iska kaashada dhinacyada dhaqaalaha, amniga, siyaasadda, iyo dhaqanka, waxeyna mustaqbalka dhaw qorsheynayaan in ay yeehsaan lacag mideysan sidoo kalena badeecadaha ay soos aaraan iyo muwaadiniintooduba in ay isaga gooshaan dhammaan dalalkaan iyada oo aan lagu xirin shuruudo adag.

Soomaaliya ayaa ku biirin doonta ururka EAC xeebta ugu dheer Africa iyo ku dhawaad 20 milyan oo muwaadiniiteeda ah taas oo ka dhigi doonta bulshada ku mideysan ururkaan in ay gaaraan ku dhawaad 320 milyan oo qof.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here