Saturday, July 27, 2024

Soomaaliya oo noqotay dalka kaliya ee u taagan kursiga Afrika ee G/Ammaanka

Addis Ababa (Dawan)- Golaha fulinta Midowga Afrika ayaa si rasmi ah u ansixiyay in Soomaaliya ay noqoto dalka kaliya ee ka soo jeeda Gobolka Bariga Afrika ee u sharraxan kursiga aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay muddada 2025-2026.

Sidaas waxaa sheegay kusimaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cali Cumar, oo ka qeyb galay shirka Golaha fulinta Midowga Afrika ee ka dhacay Addis Ababa maalmihii 14 iyo 15 bishaan Februay.

“Waxaan ku faraxsanahay inaan ku dhawaaqo in shirka Golaha Fulinta ee Midowga Afrika lagu taageeray Soomaaliya in ay tahay musharaxa kaliya ee ka socda Bariga Afrika ee u tartami doona kursiga aan joogtada ahayn ee ee Golaha Ammaanka 2025-2026” ayuu yiri, Wasiir Balacad

Wasiirka ayaa intaas raaciyay ” Tillaabo taariikhi ah oo hore loo qaaday”

Soomaaliya ayaa dadaal xoogan ugu jirta sidii ay ugu fadhiisan lahayd kursiga kaliya ee Qaaradda Afrika ku leedahay Golaha Ammaanka, iyada oo ay saami ahaan soo aadeyso dal ka socda Bariga Afrika.

Ansixinta Golaha Fulinta ee Midowga Afrika ayaa ka dhigan in dhammaan dalalka ku yaal Gobolka Bariga iyo Qaaradda Afrika ay isku raaceen in Soomaaliya ay Afrika ku matali doonto Golaha Ammaanka sannadka soo socda.

Doorashada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee 2024-ka ayaa la qorsheeyay inay dhacdo bartamaha sannadka 2024-ka inta lagu guda jiro kalfadhiga 78-aad ee Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay, kaasoo lagu qabanayo xarunta Qaramada Midoobay ee Magaalada New York.

Doorashada ayaa lagu wadaa in lagu buuxiyo shanta kursi ee aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka iyada oo dal kasta uu ku fadhi doono kurisga muddo laba sano ah oo ka billaabmaysa 1 January, 2025.

Dowladda Mozambique ayaa hadda ah xubinta u qaabilsan Qaaradda Afrika Hay’adda Amniga Adduunka.

Soomaaliya waxa ay ololaheeda ku sheegtay in ay tahay cod la isku halleyn karo oo awood u leh in ay difaacdo ajendaha nabadda iyo amniga Afrika ee Golaha Ammaanka.

Dowladda Soomaaliya waxay ballan qaaday inay ilaalinayso mabaadi’da iyo waajibaadka Axdiga Qaramada Midoobay, iyadoo ka shaqaynaysa nabad, xasilloon, iyo nidaam caalami ah oo barwaaqo ah.

1971-1972 ayaa Soomaaliya ugu dambaysay inay qeyb ka noqoto xubnaha aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here