By Asha Elmi
Muqdisho, Soomaaliya – Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah u qaaday imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiga sare ee beeraha, kaas oo ay u fariisteen ardayda dhiganaysay dugsiyada sare ee xirfadaha beeraha ee dalka.
Tani waa markii ugu horreysay tan iyo burburkii dalka ee la qabto imtixaan qaran oo dugsiga sare ee beeraha ah oo lagu qiimeynayo aqoonta ardayda ku takhasustay wax soo saarka beeraha.
Ardayda imtixaankan u fariisatay waxay ka mid yihiin 39,397 arday oo guud ahaan dalka maanta u fariistay imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 12aad.
Sida ay sheegtay Wasaaradda Beeraha, ardayda maanta u fariisatay imtixaanka beeraha ayaa kor u dhaafaya 40 arday, waxaana ay wax ku bartaan laba dugsiyo sare oo gaar u ah beeraha, kuwaasoo ku yaalla magaalooyinka Jowhar iyo Marka.
Wasiirka Beeraha Soomaaliya, Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), ayaa soo dhaweeyay tallaabadan, isagoo ku tilmaamay guul weyn oo loo qaaday dhanka horumarinta waxbarashada xirfadeed.
“Waxaan hambalyo u dirayaa ardayda dugsiyada sare ee beeraha oo markii ugu horreysay burburka kadib galaya imtixaanka mideysan ee heer Qaran, waa wax wanaagsan in ardayga uu barto xirfad oo noloshiisa caawin doonta”ayuu shirkiisa jaraaid ku sheegay Wasiir Maareeye. Ayuu yiri wasiir Maareeye.
Dugsiyadan sare ee beeraha ayaa sanadkii hore bilaabay manhaj mideysan oo ay diyaarisay Wasaaradda Waxbarashada, iyadoo qayb ka ah dadaallada dowladda ee lagu tayeynayo waxbarashada xirfadeed iyo soo celinta kalsoonida nidaamka waxbarasho ee dalka.