Dooxa (Dawan) – Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Cali Maxamed Cumar, ayaa xaqiijiyay in khilaafkii diblomaasiyadeed ee u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya si rasmi ah loo soo afjaray. Hadalkan ayuu ku sheegay wareysi uu si gaar ah u siiyay warbaahinta caalamiga ah ee Al-Araby Al-Jadeed, intii lagu guda jiray booqashadiisa rasmiga ah ee Dooxa, Qatar, kaas oo la baahiyay 26-kii Luulyo 2025.
“Khilaafkii wuu dhammaaday. Waxaan u mahadcelineynaa dowladda Turkiga doorkii ay ka qaadatay dhex-dhexaadinta. Wadaxaajoodyadu guuleysteen, waxaana la gaaray heshiis ay Itoobiya ku aqbashay madax-bannaanida Soomaaliya iyo in ay ixtiraamayso midnimadeeda dhuleed,” ayuu yiri Cali Maxamed Cumar.
Khilaafka diblomaasiyadeed ayaa qarxay bilowgii sanadka 2024, kadib markii Itoobiya ay heshiis is-afgarad (MoU) ah la saxiixatay Somaliland. Heshiiskaasi wuxuu Itoobiya siinayay marin badeed ay ka dhisan karto dekad ganacsi iyo saldhig ciidan, iyadoo Somaliland ka heleysa aqoonsi dowladeed. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag uga hortimid heshiiskaas, iyadoo ku tilmaantay ku xad-gudub madax-bannaanida iyo midnimada dhulka Soomaaliyeed.
Sida uu sheegay wasiirku, dowladda Turkiga ayaa si rasmi ah u dhex-dhexaadisay labada dal, taas oo horseedday heshiis dib u heshiisiin ah oo la gaaray dhammaadka sanadkii 2024.
“Waxaan gaarnay heshiis ay labada dal ku aqbaleen in ay iska kaashadaan sidii daris iyo dalal ka tirsan Midowga Afrika. Itoobiya waxaa u bannaan in ay u adeegsato dekadaha Soomaaliya ujeeddo ganacsi haddii ay dooneyso, balse arrintaas waxaa maamuli doona xeerarka caalamiga ah,” ayuu yiri.
Kadib wareysigaasi, Wasiiru-Dowlaha waxa uu kamid ahaa wafdiga Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ka qeybgalaya Shirka Qaramada Midoobay ee Dib-u-eegista Nidaamyada Cuntada (UNFSS+4) ee haatan ka socda magaalada Addis Ababa, Itoobiya.