Saturday, July 27, 2024

Soomaaliya oo soo dhaweysay go’aamadii ka soo baxay shirkii Liibiya

Muqdisho (Dawan)- Dowladda Soomaaliya ayaa soo dhaweysay go’aamadii ka soo baxay shirkii Jaamacadda Carabta ay martigelisay, kaas oo ay ka qeyb galeen dhinacyada ugu waaweyn maamulka dalka Libya, sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda.

Shirkan ayaa looga gol lahaa xallinta khilaafaadka siyaasadeed ee ka jira Liibiya si loo fududeeyo qabashada doorashooyinka madaxtinimo iyo baarlamaanka ee dalkaas.

“Soomaaliya waxay ku celineysa taageeradeeda xoogan ee midnimada iyo madax-banaanida dhulka Liibiya, waxayna sidoo kale taageereysa dhammaan hindisayaasha Carabta iyo kuwa caalamiga ah ee loogu talagalay horumarinta amniga, xasilloonida iyo nabadda Liibiya”. ayaa lagu yiri, qoraalka kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda.

Wasaaradda ayaa intaas ku dartay in Soomaaliya ay garwaaqsantahay in tillaabooyinka la qaaday ay gacan ka geysan karaan sidii dadka Liibiya ay u gaari lahaayeen horumar dhan walba ah iyo barwaaqo waarta.

Go’aamada shirka Liibiya

Jaamacadda Carabtu waxa ay sheegtay in dhinacyada siyaasadda Liibiya ay isku raaceen in lasoo dhiso dowlad loo dhanyahay oo howsheedu ay tahay inay kormeerto hannaanka doorashada iyo bixinta adeegyada lagama maarmaanka ah ee Liibiya.

Waxay sidoo kale cadeeyeen inay diideen faragelin kasta oo dibadeed oo lagu sameeyo geeddi-socodka siyaasadda Liibiya, waxayna carrabka ku adkeeyeen madax-bannaanida Liibiya iyo midnimada dhuleed.

Siyaasiyiinta hoggaanka u ah dowladda la aqoonsayahay ee Liibiya waxay ku heshiiyeen in muddo cayiman lagu soo dhiso guddi farsamo oo dib u eegis ku sameeya qodobada la isku hayo ee ku jira shuruucda doorashooyinka oo ay ugu horreeyaan kuwa la xiriira musharraxnimada saraakiisha ciidamada iyo dadka heysta dhalashada dalalka kale.

Liibiya: Laba xukuumadod

Dalka Liibiya waxaa ka jira laba xukuumadood oo midi ay deggantahay galbeedka Liibiya, waxeyna heysataa aqoonsi caalami ah. Xukuumaddaan waxaa loo yaqaan dowladda Midnimada Qaran, waxaana hormuud u ah Al-Dabaiba,

Dhinaca bariga Liibiya, waxaa gacanta ku haya xukuumad kale, waxaana hoggaamiya Usaama Xamaad oo garab ka helaya jenreelka awoodda badan ee loo yaqaano Khaliifa Xaftar oo taageero ka hela qaar ka mid ah dowladaha Carabta.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here