MUQDISHO (Dawan) – Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee Soomaaliya ayaa sheegtay in ay qaybisay 40 makiinadood oo lagu finjilo galleyda iyo badarka kale iyo 40 mooto oo ah kuwa xamuulka ah ee khudaarta lagu qaado, kuwaas oo la siiyay 80 beeraley yar-yar, munaasabad Khamiistii ka dhacday xarunta wasaaradda ee Muqdisho.
Wasaaraddu waxay sheegtay in qalabkan, oo ay ku jiraan mootooyin loogu talagalay qaadista khudaarta iyo makiinado lagu farsameeyo dalagyada, uu ujeeddadiisu tahay in lagu horumariyo farsamaynta dalagyada iyo suuqgeynta wax-soo-saarka. Mas’uuliyiintu waxay intaas ku dareen in ka faa’iideystayaasha ay ku jiraan dhalinyaro ku hawlan beerashada aqallada cagaaran (Greenhouse), balse faahfaahin lagama bixin habka xulista dadka loo qaybiyay.
Wasaaradda ayaa sheegtay in barnaamijkan lagu fuliyay iskaashi ay la sameeyeen hay’adda Qatar Charity, isla markaana uu qayb ka yahay ballanqaad hore oo uu Wasiirka Beeraha iyo Waraabka, Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), u qaaday taageeridda beeraleyda Soomaaliyeed. “Guushan waxay daba socotaa ballanqaadkii aan hore u qaadnay ee ahaa in dib loo soo nooleeyo mashiinaynta iyo dijitaalaynta beeraha, iyadoo guulihii ugu dambeeyay ay ka mid yihiin qaybinta traktorada iyo mashiinada gacanta lagu shaqeeyo ee la siiyay beeraleyda dakhligoodu hooseeyo,” ayuu yiri ku Maareeye bartiisa X.
Munaasabadda, wasiirka ayaa ku dhiirigeliyay beeraleyda in ay iskaashadaan si loo kordhiyo wax-soo-saarka, loo xoojiyo dhaqaalaha dalka, loona dagaallamo saboolnimada, isagoo xusay in Soomaaliya ay u baahan tahay dhalinyaro firfircoon oo la jaan qaadi kara isbeddellada caalamka.
Wasaaraddu waxay intaas ku dartay in tallaabadani ay daba socoto qaybintii dhawaan ee 26 cagaf oo loo qeybiyay dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah dowladda Federaalka, taas oo qayb ka ah dadaallada lagu ballaarinayo mashiinaynta beeraha.
Beeraha ayaa ah laf-dhabarta dhaqaalaha Soomaaliya, balse waxaa jira caqabado waaweyn oo ay ka mid yihiin helitaanka qalab casri ah, maalgelin iyo kaabayaasha suuqyada.