MUQDISHO (Dawan) – Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa Khamiistii sheegay in hay’adaha amniga ay qabteen 189 baakad oo ay ku jiraan daroogo iyo kiniinno sharci-darro ah, intii lagu guda jiray howlgal wadajir ah oo ka dhacay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho.
Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ayaa sheegay in shixnadda, oo loo aqoonsaday inay khatar ku tahay badqabka bulshada, la qabtay ka hor inta aanay ka bixin garoonka, kaddib markii lagu soo dejiyay dalka. Xafiiska waxa uu intaas ku daray in ay socdaan baaritaanno rasmi ah oo lagu ogaanayo shabakadda lagu tuhunsan yahay in ay lug ku lahayd soo gelinta daroogadan, iyadoo la doonayo in dadka ku lugta leh la hor keeno maxkamadda.
“Daroogadan oo khatar weyn ku ah badqabka bulshada ayaa lagu qabtay ka hor inta aanay ka bixin Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde,” ayaa lagu yiri bayaanka. “Waxaan wadaan baaritaanno rasmi ah si loo ogaado shabakadaha ka dambeeya soo gelinta sharci darrada ah si loo hor keeno caddaaladda.”
Xafiisku waxa uu sheegay in qabashadani ay qayb ka tahay dadaallada socda ee lagula dagaallamayo ka ganacsiga daroogada, isla markaana waxa uu digniin culus u diray cid kasta oo ku lug leh soo dejinta ama iibinta maandooriyaha sharci darrada ah, isagoo xusay in arrintani khatar ku tahay caafimaadka iyo amniga bulshada Soomaaliyeed.