Monday, September 1, 2025

Soomaaliya iyo Serbia oo Xoojinaya Xiriirkooda kadib Xamsa oo Gaaray Belgrade.

Belgrade (Dawan) – Wafdi uu hogaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa gaaray caasimadda Serbia, Belgrade, iyagoo bilaabaya booqasho rasmi ah oo lagu xoojinayo xiriirka laba geesoodka ah ee labada dal.

Safarkan ayaa la filayaa in uu si gaar ah diiradda u saaro wada-shaqaynta dhinaca amniga. Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha waxaa ku jira Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macalin Fiqi taas oo muujinaysa in labada dowladood ay ku guda jiraan qorshe lagu horumarinayo iskaashi ciidan iyo tababaro militari. Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in la filayo in la saxiixo heshiisyo amniga quseeya inta lagu jiro booqashadan.

Serbia ayaa horey u tababartay ciidamo Soomaali ah, waxaana tallaabadan loo arkaa mid dib u xaqiijinaysa iskaashiga Belgrade iyo Muqdisho ee taageerada dhismaha awoodda difaaca Soomaaliya. Xiriirka amniga ayaa lagu xoojin doonaa wadaagista khibradda, tababarrada, iyo qalab ciidan oo kor u qaadi doona awoodda Soomaaliya ee la dagaalanka kooxaha A-shabaab iyo Daacish.

Marka laga soo tago amniga, wada-hadallada labada dhinac ayaa sidoo kale taaban doona iskaashiga ganacsiga, dhaqaalaha, tacliinta, iyo dhaqanka. Hase yeeshee, qodobka amniga ayaa ah midka ugu weyn ee la saadaalinayo inuu noqdo mid miro dhal ah, maadaama uu si toos ah u saameeyo dagaalka Soomaaliya kula jirto kooxaha Al-shabaab iyo Daacish.

Booqashadan ayaa astaan u ah dedaallada Soomaaliya ee ku aaddan dhisidda iskaashi caalami ah oo lagu xoojinayo amniga, iyadoo Serbia ay mar kale muujisay in ay diyaar u tahay inay door muuqda ka qaadato geeddi-socodkaas.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here