Wednesday, July 16, 2025

Soomaaliya oo tallaashay in ka badan 7.5 Milyan oo carruur ah

Muqdisho (Dawan) – Soomaaliya ayaa qaaday ololihii ugu ballaarnaa ee tallaalka carruurta abid laga sameeyo dalka, iyadoo in ka badan 7.5 milyan oo carruur ah oo da’doodu ka yartahay shan sano la siiyay tallaallo kala duwan oo ka hortagaya cudurrada halista ah sida jadeecada, oof-wareenka iyo dabaysha.

Warbixin cusub oo ay soo saartay Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) 30 Juun 2025, ayaa lagu sheegay in ololahan lagu qabtay dhammaan gobollada dalka intii lagu guda jiray sanadkan 2025, iyadoo looga jawaabayay dillaacii cudurka dabaysha ee dhacay dhammaadkii December 2024.

Bishii Abriil 2025, Soomaaliya waxay markii ugu horreysay si isku mar ah u bilowday bixinta saddex tallaal oo kala ah:

Tallaalka jadeecada (Measles)

Tallaalka oof-wareenka (PCV)

Tallaalka dabaysha nooca nOPV2

Tirada guud ee carruurta la tallaalay ayaa ahayd:

3.3 milyan oo carruur ah (da’doodu u dhaxayso 6 bilood ilaa 5 sano) oo helay tallaalka jadeecada

2.6 milyan oo carruur ah (1 sano ilaa 5 sano) oo la siiyay tallaalka oof-wareenka

1.6 milyan oo carruur ah (ka hooseeya 5 sano) oo la siiyay tallaalka dabaysha – gaar ahaan Somaliland, Puntland iyo qaybo ka mid ah Galmudug

Sida WHO sheegtay Ololahan ballaaran waxaa iska kaashaday Wasaaradda Caafimaadka Federaalka Soomaaliya, WHO, UNICEF, Gavi, iyo la-hawlgalayaal kale. Waxaa lagu fuliyay in ka badan 8,653 xarumood oo caafimaad oo ku yaal dalka oo dhan, iyadoo sidoo kale la gaaray deegaanada fog-fog ee aan heli karin adeegyada caafimaad ee joogtada ah.

Sida WHO sheegtay inkasta oo dadaalka tallaalka uu gaaray guulo la taaban karo, Soomaaliya ayaa weli wajahaysa caqabado xagga gaarsiinta tallaalka. Sida lagu sheegay warbixinta WHO, waxaa dalka ku sugan ku dhawaad 1.5 milyan oo carruur ah oo aan weligood helin wax tallaal ah (zero-dose children). Sidoo kale, heerka tallaalka DTP3 (tallaalka difaaca, teetanaska, iyo qumanka) ee Soomaaliya ayaa ah 42%, taas oo aad uga hooseysa heerka celceliska Afrika (74%) iyo caalamka (83%).

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here