MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Boqortooyada Ingiriiska ayaa markale xoojiyay iskaashigooda dhinaca difaaca, kadib kulan sare oo 7-da May 2025 ka dhacay magaalada Muqdisho. Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallim Fiqi, ayaa halkaas ku qaabilay Agaasimaha Guud ee UK u qaabilsan Afrika, Harriet Mathews, iyo Safiirka UK ee Soomaaliya, Michael Nithavrianakis.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta howlgalada wadajirka ah ee ka dhanka ah Al-Shabaab iyo Daacish, taageeridda geeddi-socodka isbeddelka AUSSOM, iyo kor u qaadidda awoodda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS).
Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa tilmaamay in doodaha la yeeshay ay xoojiyeen muhiimadda ay leedahay wada-shaqeynta joogtada ah si loo gaaro amni waara, isla markaana loo taageero ciidamada Soomaaliyeed.
Wasiir Fiqi ayaa uga mahadceliyay Boqortooyada UK taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya. “Iskaashigan wuxuu door weyn ka ciyaarayaa dagaalka aan la wadaagno argagixisada,” ayuu ku yiri bartiisa X.
Sidoo kale, Wafdiga UK ayaa xaqiijiyay inay ka go’an tahay sii wadidda taageeradooda, gaar ahaan dhinacyada awood-siinta ciidanka, la dagaallanka argagixisada, iyo dib-u-habeynta hay’adaha difaaca.
Kulankan ayaa kusoo beegmaya iyadoo dalka uu wajahay dagaallo culus oo ka dhan ah kooxaha Daacish iyo Alshabaab iyo dadaallo socda oo lagu xoojinayo maalgelinta howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya.