Tuesday, April 22, 2025

SSC khaatumo oo baareysa dil ka dhacay Laascaanood

Laascaanood, Soomaaliya (Dawan) SSC Khaatumo ayaa sheegtay in ay  baareyso dil ay sheegtay in 20 bishaan uu ka dhacay Laascaanood, kaas oo lagu geystay shaqaale ka tirsan qunsuliyadda Itoobiya ee magaalada Garowe.

Taliyaha Ciidanka Booliiska ee SSC Khaatumo, Siyaad Maxamuud Cabdiraxmaan, ayaa xalay xaqiijiyay in meydka Faarax Jaamac Caydiid, oo ahaa shaqaale ka tirsan qunsuliyadda Itoobiya, laga helay subaxnimadii hore ee 20-ka bishan, agagaarka Laascaanood.

Meydka Faarax ayuu sheegay in ay heleen saacaddu markay ahayd 7:49 subaxnimo maalinnimadii Axadii, isaagoo sheegay in ay ciidanka amniga ay gacanta ku hayaan kiiskaas hadda.

Siyaad ayaa sheegay in baaritaanka uu socdo, wuxuuna ballan qaaday in dadka ka dambeeya dilkaas si degdeg ah loo horkeeni doono caddaaladda. Wuxuu sidoo kale ka digay in dadka faafiya warar been abuur ah oo ku saabsan kiiskan ay la tiigsan doonaan sharciga.

“Baaritaanku wuu socdaa, waxaana dadka mas’uulka ka ah falkaasi si degdeg ah caddaaladda loo horkeeni doonaa,” ayuu yiri Siyaad.

Hay’adaha amniga ayaa ballan qaaday in shacabka loo soo bandhigi doono xogta rasmiga ah ee ku saabsan kiiskan.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here