Saturday, July 27, 2024

Kenya oo hoggaamineysa ciidan caalami ah oo loo diro Haiti

Haiti (Daawan)- Beesha caalamka ayaa ka doodeysa suurtagalnimada in Kenya hoggaamiso ciidan taageero ka heysta Qaramada Midoobay oo loo diro dalka Haiti si ay uga caawiyaan la dagallanka iyo ciribtirka kooxaha dagaalka kula jira dowladda.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa laga yaabaa inuu u codeeyo in  ciidamo loo diro toddobaadkaan gudihiisa, sida ay shegen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Mareykanka.

Dowladda Haiti ayaa markii ugu horreysay dalbatay gargaar caalami ah bishii Oktoobar ee  sannadki hore, inkasta oo aysan ka helin beesha caalamka wax jawaab ah.

Bishii July ee lasoo dhaafay dowladda Kenya ayaa ku dhawaaqday inay diyaar u tahay in ay hoggaamiso ciidamo caalami ah haddii lo dirayo dalka Haiti.

Go’aanka Kenya ayaa dhaliyay in labada dowladood ay yeeshaan xiriir diblomaasi iyo iskaashi si looga mira dhaliyo qorshaha lagu doonayo in ciidamo caalami ah la geeyo dalkaas.

Madaxweynaha Kenya, William Ruto ayaa sheegay in ay ka go’antahay sidii ciidan loo geyn lahaa Haiti, wuxuuna tilmaamay in la dirayo koox qiimeysa xaaladda dalkaas si  loogu helo xal waara mustaqbalka dhaw.

Hay’adda Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in colaadda ka taagan Haiti ay ku dhinteen dad ka badan 2,400 oo qof  tan iyo billaawgii sannadkaan.

Dalka Haiti ayaa galay xaalad amni xumo iyo colaad kadib markii la dilay Madaxweyne Jovenel Moise  sannadkii 2021, waxaana xoogeystay kooxaha hubeysan ee kasoo horjeeda dowladda kuwaas oo gacanta ku haya qeybo ka mid ah dalkaas.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here