Laascaanood, Soomaaliya – Dowladda Goboleedka SSC-Khaatumo ayaa maanta si rasmi ah u shaacisay mamnuucidda guud ee soo dejinta, isticmaalka iyo dhoofinta bacaha jilicsan ee deegaanada hoos yimaada maamulkaas.
Amarkan cusub ayaa lagu faafiyay wareegto kasoo baxday Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha iyo Maalgashiga ee SSC-Khaatumo, taasoo si toos ah ugu socota dhammaan ganacsatada, shirkadaha, hay’adaha iyo shacabka deegaanka.
“Waxaa la ogeysiinayaa dhammaan ganacsatada, shirkadaha, hay’adaha iyo muwaadiniinta SSC-Khaatumo in laga bilaabo maanta oo ay tahay 23/04/2025 si rasmi ah loo mamnuucay soo dejinta, isticmaalka iyo soo dhoofinta bacaha jilicsan ee deegaanka waxyeellada ku haya,” ayaa lagu yiri wareegtada uu saxiixay Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha iyo Maalgashiga.
Wasaaradda ayaa sheegtay in loo baahan yahay in laga guuro adeegsiga agabkan loona baahanyahay in helo badal kale.
Sidoo kale, Hay’adaha Kastamka iyo Amniga ayaa la faray inay si buuxda u fuliyaan amarkan, ayna ka hortagaan in bacaha jilicsan lagu soo geliyo gudaha SSC-Khaatumo.