Wednesday, April 23, 2025

SSC-Khaatumo oo Mamnuucday Dhoofinta Biraha Qashinka ah

Laascaanood, Soomaaliya – Dowladda Goboleedka SSC-Khaatumo ayaa si rasmi ah u shaacisay in laga bilaabo maanta la mamnuucay dhoofinta biraha qashinka ah (scrap metals) ee laga dhoofiyo gudaha deegaanadeeda.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha, iyo Maalgashiga ee SSC-Khaatumo ayaa lagu amray dhammaan ganacsatada, shirkadaha iyo hay’adaha ka shaqeeya dhoofinta biraha in ay si degdeg ah u joojiyaan howshaasi laga bilaabo 22 Abriil 2025.

“Wasaaraddu waxay si cad u wargelinaysaa dhammaan dhinacyada ku shaqada leh in la mamnuucay dhoofinta biraha qashinka ah laga bilaabo taariikhda maanta. Amarkan waxaa lagu fulinayaa si buuxda, waxaana masuuliyadi ka saaran tahay laamaha amniga, kastamka iyo xafiisyada maamulka,” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda.

Dowlad-goboleedka SSC-Khaatumo ayaa sidoo kale digniin culus u dirtay cid kasta oo isku dayda in ay jebiso amarkan, iyadoo lagu wargeliyay in laga qaadi doono tallaabo sharci ah.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here