Ceerigaabo, Soomaaliya – Dowlad Goboleedka SSC-Khaatumo ee Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareeyay weerar ay sheegeen in lagu qaaday xoolo-dhaqatada ku nool deegaanka Daanweyne ee magaalada Ceerigaabo, gobolka Sanaag, iyagoo ku eedeeyay in weerarkaasi uu ahaa mid ay fuliyeen Somaliland.
Ku-xigeenka hoggaanka SSC-Khaatumo, Maxamed Cabdi Ismaaciil Shiine, oo ka hadlay munaasabad ka dhacday magaalada Nairobi, ayaa sheegay in weerarkaasi uu sababay khasaare naf iyo maalba leh, iyadoo dad rayid ah lagu dilay, kuwo kalena lagu afduubtay kuwana lagu dhaawacay.
“Runtii arrintaas waa farriin cad oo dadkaas gooni-goosatada ah in aysan nabad u socon, daris wanaagna aysan u socon,” ayuu yiri Shiine, isagoo ku baaqay in shacabka barakacay ee Ceerigaabo lagu celiyo guryahooda, si ay ugu noolaadaan hoos tagaya calanka Soomaaliya iyo kan SSC-Khaatumo.
Shiine wuxuu sheegay in SSC-Khaatumo ay masuuliyad buuxda iska saartay difaaca deegaanka Ceerigaabo, isaga oo xusay in muhiimadda ceerigaabo ay la mid tahay qiimaha uu ku baxay Laascaanood iyo deegannada kale ee maamulkaasi xaalada ay hadda ku suganyihiin.
Weerarkan ayaa kusoo beegmaya xilli horey dagaallo kale oo ka dhacay gobolka Sanaag ay sababeen barakac ballaaran. Warbixin ka soo baxday Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in dagaalkii ugu dambeeyay ee gobolka uu sababay in ku dhowaad 43,000 oo qof ay ka qaxaan magaalada Ceerigaabo.