Monday, July 14, 2025
Array

SSC-Khaatumo oo ku dhawaaqday xilliga Doorashada Madaxweynaha

By Abukar Osman

Laascaanood (Dawan) – Hoggaamiyaha maamulka SSC-Khaatumo, Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye), ayaa maanta si rasmi ah ugu dhawaaqay in doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku Xigeenka SSC-Khaatumo lagu qaban doono 5-ta bisha Agoosto 2025. Warkan ayuu jeediyay xilli uu ka hadlayay furitaanka shirweynaha dhameystirka maamulka SSC-Khaatumo oo si rasmi ah uga furmay magaalada Laascaanood.

“Waxaa la qabanayaa doorashada madaxweynaha iyo tan madaxweyne ku xigeenka 5 Agoosto.” Ayuu yiri Firdhiye.

Wuxuu sheegay in jadwalka doorashada uu yahay mid rasmi ah oo ku saleysan qorshe iyo hab-raac uu diyaariyay Guddiga Farsamada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya u xil saartay dhameystirka geedi-socodka maamulka SSC-Khaatumo. Guddigan, sida lagu sheegay war ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee dowladda Federaalka, waxaa laga sugayaa inay dhameystiraan dhismaha hay’adaha maamulka ka hor dhammaadka bishan Luulyo.

Doorashooyinka la qorsheeyay waxay si gaar ah ugu xirnaan doonaan guusha laga gaaro shirweynaha socda — iyadoo la rabo in la helo heshiis siyaasadeed oo mideysan iyo in SSC-Khaatumo yeelato dastuur rasmi ah oo ay bulshada si wadajir ah u ansixisay. Dastuurkaas ayaa la filayaa inuu noqdo saldhig sharciyeedka maamulka la dhisayo.

Haddii doorashada 5 Agoosto 2025 ku qabsoonto, waxay noqon doontaa tii ugu horreysay ee rasmi ah ee uu maamulka SSC-Khaatumo si buuxda u qabto tan iyo markii la dhisay kaas oo uu kaga baxayo ku meel gaarnimda uu ku jiray labadii sano ee lasoo dhaafay.

Taariikh Kooban oo ku saabsan Geeddi-socodka Maamulka

Maamulka SSC-Khaatumo ayaa markii ugu horreysay qabtay doorasho 5-tii Agoosto 2023, taas oo lagu doortay hoggaamiye ku-meel-gaar ah — Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye) — iyo madaxweyne ku xigeenkiisa. Tan iyo markaas, maamulka ayaa ku shaqeynayay xaalad ku-meel-gaar ah.

Bishii Oktoobar 2023, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u aqoonsatay maamulka SSC-Khaatumo inuu yahay maamul ku-meel-gaar ah.

Ugu dambeyn, bishii Febraayo 2025, Dowladda Federaalka ayaa ku dhawaaqday in SSC-Khaatumo si rasmi ah u yahay maamul buuxa, iyadoo ku xirtay dhameystirka shirweynaha hadda socda iyo ansixinta dastuurka maamulka. Doorashada la filayo in ay dhacdo 5-ta Agoosto 2025 ayaa noqon doonta tii si buuxda u dhammeysiin lahayd geeddi-socodkii maamulka SSC-Khaatumo, kuna sababi karta in uu yeesho sharciyad siyaasadeed iyo mid dowladad Goboleed oo oo buuxda.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here