Saturday, March 15, 2025

Badbaadinta 140,000 carruur ah oo halis ugu jira Jadeecada

Soohoyde

Jigjiga, Dowlad Deegaanka Soomaalida – Magaalada Jigjiga waxaa si rasmi ah looga daahfuray ololaha tallaalka isku dhafka ah ee jadeecada, kaas oo ay iska kaashanayaan Xafiiska Caafimaadka DDS, hay’adaha WHO iyo UNICEF.

Ujeeddada ugu weyn ee ololahan ayaa ah badbaadinta nolasha in ka badan 140,000 carruur ah oo da’doodu ka yar tahay 5 sano.

Ololahan looga hortagayo cudurrada ka dhasha abaaraha ee carruurta ku dhaca ayaa laga fulinayaa 16 degmo oo ka tirsan deegaanka, kuwaas oo laga soo xushay 7 gobol oo ka mid ah deegaanada DDS. Dhamaan degmooyinkaas waxay ka mid yihiin meelihii abaaruhu si xun u saameeyeen.

Masuuliyiinta caafimaadka ee Xafiiska Deegaanka ayaa tilmaamay in barnaamijkani yahay mid lagu badbaadinayo nolosha carruur badan oo ku nool degmooyinkii abaaruhu saameeyeen.

“Ujeeddada laga leeyahay waa in la gaaro carruurta da’doodu ka yar tahay 5 sano, oo tiradoodu kor u dhaafeyso 141,000. Barnaamijka tallaalku wuxuu muhiim u yahay in carruurta laga difaaco jadeecada, maadaama abaaruhu ay saameeyeen degmooyinkaas, xilliyada ay difaaca jirkoodu daciifayo, taasoo halis gelin karta inay cudurku haleelo.” ayuu yiri Wasiir Ku Xigeenka Xafiiska Caafimaadka Maxamuud Maxamed Cabdi

Muddo 5 maalmood gudahood ayaa la rajeynayaa in ololahan caafimaad la soo gabagabeeyo, sida ay masuuliyiinta caafimaadka sheegeen. Natiijada ugu weyn ee la filayo waa in laga hortago cudurro halis gelin lahaa nolosha carruur badan oo da’yar ah.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here