Saturday, July 27, 2024

Turkiga iyo Namibia oo iska kaashanaya hab-maamuuska Baarlamaanka

Istanbul (Dawan)- Guddoomiyaha Baarlamaanka Turkiga, Numan Kurtulmuş ayaa kulan kula qaatay magaalada Istanbul dhiggiisa Namibia, Peter Katjavivi, iyaga oo kala saxiixday heshiis iskaashi oo dhanka hab-maamuuska Baarlamaanka ee labada dal.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Turkiga ayaa sheegay in booqashada Katjavivi ee Turkiga ay leedahay muhiimad taariikhi ah maadaama ay tahay booqashadii ugu horeysay oo mas’uul heerkaan ah uu ku tago Turkiga, wuxuuna intaas ku daray in labada dal ay isku aragti ka yihiin arrimo badan oo gobolka iyo caalamka ah.

Kurtulmus ayaa ka sheekeeyay sida ay dowladda Turkiga u garab istaagtay shacabka Namibia uuna taageertay halgankii ay ku doonayeen in ay ku helaan xornimada 1960-kii.

Dhanka kale, Katjavivi ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay booqashada Turkiga, wuxuuna carrabka ku adkeeyay in dalkiisu uu doonayo inuu xoojiyo xiriirka Baarlamaanka ee labada dal.

Waxa uu intaasi ku daray inuu ka shaqeyn doono sidii loo hirgelin lahaa tillaabooyinka kordhinaya wada-shaqeynta iyo wadajirka Baarlamaannada labada dal, isaga oo tilmaamay in Turkigu uu yahay saaxiib aad muhiim ugu ah Namibia

Heshiiska ay kala saxiixdeen labada dhinac ayaa xaqiijinayaa dhiirigelinta xiriirka joogtada ah, booqashooyinka iyo shirarka wadajirka ah ee u dhexeeya guddiyada gaarka ah, guddiyada saaxiibtinimada baarlamaanka iyo hay’adaha maamulka si kor loogu qaado isdhaafsiga khibradaha iyo macluumaadka la xiriira hanti dhowrka iyo howlaha kale ee Baarlamaanka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here