Ugu yaraan 27 qof, oo ay ku jirto gabar hal sano jir ah iyo saddex kale oo aan wali qaangaarin, ayaa ku dhintay, halka tiro kale oo badan la la’yahay, kaddib markii labo doon oo ay la socdeen muhaajiriin ay ku qalabmeen Badda Mediterranean-ka, meel u dhow jasiiradda Talyaaniga ee Lampedusa, iyada oo sidoo kale Laba doomood mid ka mid ah ey saarnaayeen muwaadiniin Soomaaliyeed sida ay xaqiijiyeen masuuliyiinta Talyaani ah maanta oo Khamiistii.
Sida ay sheegeen dad ka badbaaday oo ay soo xigatay wakaaladda wararka Talyaaniga ee ANSA, labada doon oo ay saarnaayeen inta u dhaxaysa 90 ilaa 100 qof ayaa ku rogmaday meel qiyaastii 14 mayl u jirta Lampedusa. Doonyaha ayaa ka baxay Tripoli, Libya, habeenkii Arbacada, waxaana saarnaa rakaab ka kala yimid Soomaaliya, Pakistan iyo Sudan.
Ilaalada Xeebaha Talyaaniga ayaa sheegay in ay soo badbaadiyeen 60 qof oo loo qaaday xarunta soo dhaweeynta ee Imbriacola ee Lampedusa. Intooda badan waxay ku sugnaayeen xaalad caafimaad oo deggan, inkastoo afar qof loo qaaday isbitaalka dhaawacyo fudud dartood.
Qaar ka mid ah dadki soo badbaaday ayaa sheegay in doonta koowaad ay biyo soo galeen ka hor inta aysan rogman, taas oo ku qasbtay rakaabkii inay u guuraan doonta labaad oo markii horeba buuxday. Doonta labaad ayaa iyaduna rogmatay, iyadoo rakaabkii badankood ay badda ku dhaceen.
Hawlgalka gurmadka iyo raadinta oo uu hoggaaminayay Xarunta Isuduwidda Samatabbixinta Badda ee Palermo ayaa waxaa ka qaybgalay shan markab oo ka socda Ilaalada Xeebaha, Booliska Maaliyadda iyo hay’adda xuduudaha Midowga Yurub ee Frontex, iyadoo la adeegsanayay diyaarad qumaatiga u kaca, diyaarado kale iyo mid ka tirsan Frontex. Laba meyd ah ayaa laga helay gudaha mid ka mid ah doonyihii rogmaday.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Talyaaniga Matteo Piantedosi ayaa bartiisa bulshada uga tacsiyadeeyay qoysaska dhibbanayaasha, isaga oo ku baaqay in la joojiyo socdaallada khatarta ah “iyadoo laga bilaabayo dalalka laga soo baxo.” Ra’iisul Wasaare Giorgia Meloni ayaa cambaareysay “naxariis-darrada xad-dhaafka ah” ee dadka ka ganacsada muhaajiriinta, iyadoo ku celisay ballanqaadka dowladdeeda ee ah in la joojiyo socdaallada sharci-darrada ah lana adkeeyo xakameynta socdaalka.